Hargeysa (Himilo)-Xukuumada iyo xisbiyada siyaasada Somaliland ayaa kulankii u horreeyey ee ay kaga wada hadlayaan khilaafka ka dhashay muddo kordhinta golaha guurtidu dhawaan u sameeyey Xukuumada iyo Golaha Wakiilada ku yeeshay Ambassador hotel ee caasimada Hargeysa.
Kulankan oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxa shirguddoominayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Saylici waxaana ka soo qayb galay hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran.
Ugu horreyn Madaxweyne ku-xigeenka oo furay oo shirkaas ayaa waxa uu yidhi. “Waxaanu maanta halkan isugu nimi shirkii aanu ku ballanay ee aanu ku baaqnay haddaanu nahay xukuumadda oo ahaa in saddexda xisbi qaran ay ka wada hadlaan, kana wada-tashadaan hawshii muddo kordhinta ee guurtidu ay samaysay.”
Kulankaasi oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa saacado dhawr ah ka dib waxa warbaahinta uga waramay waxyaalihii lagaga wada hadlay madaxda xisbiyada qaranka.
Guddoomiyahay xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya natiijada shirkaasi waxa uu yidhi: “Maanta sidii aad ka war qabteen waxaanu galnay shirkii saddexda xisbi qaran ay kaga wada-hadlayeen arrinta dibu dhaca doorashooyinka, kaasoo uu guddoominayay madaxweyne ku-xigeenku, maanta bilaw buu ahaa shirku markaanu arrimihii isla eegnay, waxaanu ku heshiinay ajandihii shirka iyo sidaanu u guda gali lahayn, anagoo si walaaltinimo ah oo niyad-sami ah, waxaanu ku heshiinay in ajandaha shirku uu noqdo in arrintaa qolaba meel iska taagtay ee dibu dhaca doorashooyinka aanu u helno xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qancaan oo ku heshiiyaan.”
Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isna waxa uu yidhi. “Sidaad ka war qabteen maanta waxaanu nimi gogoshii ay xukuumaddu dhigtay, markii aanu isu nimi waxaanu ka doodnay waxa laga wada-hadlayo, waxaanu noqday khilaafka ka dhashay go’aanka muddo kordhinta ee golaha guurtida Somaliland, axsaabtu meelo kala duwan ayay joogeen, laakiin waxaanu isla garanay in xal siyaasi ah la raadiyo.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isna waxa ka mid ahaa hadalladiisii.
“Waxaad ogtihiin haddaanu UCID nahay labadan xisbi ee kale waa loo kordhiyay, waanay daafacayeen mawqifkoodii. Sidaa darteed waxaanu garanay inaynu xal doono.”
Intaasi ka dib masuuliyiintani waxay cadeeyeen inay u balameen kulanka labaad ee kan xiga laba cisho ka dib oo ku began maalinta sabtida ah, wada hadalkan u bilaabmay xukuumada iyo xisbiyada ayaan la sii saadaalin Karin inuu ka soo baxo heshiis ka hor imanaya muddo kordhinta golaha guurtidu dhawaan u sameeyey xukuumada iyo golaha wakiilada.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment