Sunday, May 24, 2015

Shalay: Mowqifyadii Isku-lidkaa ahaa ee Kulmiye & Mucaaradka, Kala-kicii Xigay, Lad-qabadii Saylici iyo Ballanta Berri

Hargeysa, 24 May, 2015 (Himilo)- Wejiga labaad ee Kulanka Turxaan-bixinta khilaafka ka dhashay Muddo-kordhinta Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo Xisbiyada mucaaradka iyo xukuumaddu isu yimaaddeen shalay, ayaa ku soo gebo-gaboobay natiijo la’aan, kaddib markii laysku mari-waayey mowqifyo iska soo horjeeda oo ay kala wataan mucaaradka iyo Xukuumadda Xisbiga Kulmiye.
Kulanka shalay oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, ayaa daba-socday shir Arbacada todobaadkii hore labada dhinac uga furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaas oo is af-garad lagaga gaadhay Ajandaha shirka iyo in xal siyaasdaeed loo helo muranka siyaasadeed ee ka taagan muddo-kordhinta.
Sida ilo-wareedyo kulankaas ka ag-dhowaa sheegeen, kulanka Ergada xukuumadda iyo hoggaanka Xisbigeeda Kulmiye u metalayey shirka ayaa ku adkaystay inaanay ka tanaasulayn go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta 2-da sanno ah ugu sameeyeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada, halka Xisbiyada mucaaradka ku adkaysteen go’aan Guddiga doorashooyinku xilliga doorashada ugu muddeeyeen bisha June ee sannadka dambe.
Xogahani waxay tibaaxeen in markii hoggaanka Xisbiga Kulmiye ku adkaystay go’aanka Golaha Guurtida qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ugu riixeen biisha Afraad ee sannadka 2017-ka, halka mucaaradkuna ku adkaysteen go’aankii muddada Halka sanno ah ay Guddiga Doorashooyinku ugu gudbiyeen madaxweynaha Somaliland inay ku diyaarinayaan qabsoomidda doorashooyinka muddadaas oo ku beegan bisha Lixaad ee sannadka dambe. Arrintaas oo markii laysku mari waayey sababtay in lagu kala kici gaadhay shirarkaas. Balse, madaxweyne ku-xigeenka oo dhinaca xukuumadda oo marka laga yimaaddo inuu xukuuumadda metaleyey, ahaa shir-guddoonka kulanka, ayaa la sheegay inuu mucaaradka u soo jeediyey inay Isniinta Berri u ballamaan kulan dambe isla markaana ay dhinac walibana si qoto-dheer u soo darso xal siyaasadeed oo khilaafka jira lagu soo af-jaro
Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo markii uu shirkaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay inaanu jirin wax go’aan ah oo dhinacyada mucaaradka iyo xukuumaddu ka gaadheen khilaafka jira isla markaana ay shirarku sii socon doonaan, maalinta Isniinta ee Berri-na loo ballamay.
“Waxa maalmahan socday shirar lagaga arrinsanayo khilaafka uu keenay dib-u-dhaca doorashooyinka arrinta meesha lagu hayaana waa mid culayskeeda leh. Maanta oo kulankii labaad ah, wax go’aan ah oo la gaadhay oo laysla qaatay ma jiro, wada-hadalkiina wuu sii soconayaa, waxaana dib loo ballamay maalinta Isniinta ee bishu tahay 25 (Berri),” Sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Saylici.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo la weydiiyey in sabiabta aanay ilaa immika wax natiijo ahi uga soo bixin wada-hadalka Xukuumadda iyo Mucaaradku iyo kulamada kale ee loo ballamay ka dhigan tahay is-garan-waa iyo in dhinac waliba mowqifkiisa ku dhaggan yahay, waxa uu sheegay inaanay jirin is-garasho la’aan, balse kulamadu sii socon doonaan maadaama laga hadlayo arrimo siyaasadeed oo ku xidhan masiirka dalka.
Shirkan oo natiijadiisu ku dhammaaday jewi mugdi xambaarsan sii galiyey rejadii laga qabtay in labada dhinacba tanaasulaad ka sameeyaan mowqifyada ay ka taagan yihiin cimri-dhererka loo sameeyey madaxweynaha iyo Wakiillada sidii ay ku ballan-qaadeen kulankii hore inay Xal siyaasadeed oo masiirka dalka dan u ah ka gaadhayaan.
Si kastaba ha ahaatee, haddii kulanka xukuumadda iyo Xisbiyaga mucaaradka ee Berri is-af-garad meel dhexe laysugu yimaaddo la gaadhi waayo waxa suurta-gal ah in Beesha caalamku faro-gelin siyaasadeed iyo xal dibedda laga keenay ku soo dhex-gasho arrintan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment