Labada gabdhood oo Magacyadooda lagu kala Sheegtay, Salwa Cabdalla iyo Tawfiiq Daahir, ayaa la aaminsan yahay inay dalka Kenya ka baxeen Arbacadii lasoo dhaafay; iyagoo ehelladooda kala soo xidhiidhay dalka Suuriya, waxaanay u sheegeen inay ku biireen Kooxda Daacish (ISIS) oo ka dagaallanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq qaybo ka tirsan.

Waaliddiinta Gabdhahan Soomaali-Kenyanka ah ee ku biiray kooxda Daacish, ayaa u sheegay Warbaahinta Kenya in Gabdhahoodu ay ahaayeen kuwo akhlaaqdoodu wanaagsanayd, isla markaana ku wanaagsanaa aqoonta Diinta Islaamka, kuwaasoo toddobaad ka hor u safray sida la sheegay dalka Suuriya, iyagoo ka ambabaxay Nairobi oo ay iska raaceen, isla markaana isku Jaamacad ka dhiganayeen sannadihii u dambeeyey.
Hooyada dhashay Tawfiiq Daahir oo daggan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya, ayaa sheegtay in Gabadheedu ay si joogto ah ula soo hadli jirtay si ay xaaladdeeda ula socoto. Hase-ahaatee, toddobaadkan ay xidhiidhkeeda wayday, ka dib markii uu Telfoonkeedu damay.
“Waxaan ku noolahay magaalada Mandheera, Gabadheydu maalin walba way ila soo hadli jirtay, laakiin tan iyo Arbacadii hore ilamay soo hadlin, Taleefankeeduna wuu damsanaa.” ayey tidhi Hooyo Raxma Aadan oo dhashay Tawfiiq Daahir.
Labadaan Gabdhood ayaa la sheegay inay dhiganayeen Jaamacadda Nairobi, iyadoo la sheegay in Salwa Cabdalla ay ku jirtay sannadkii labaad ee Jaamacadda. Gabdhahan ayaa la sheegay in ay Maalintii Arbacada ahayd iska Raaceen Jaamacadda ay dhiganayeen, lamana oga illaa ay kasoo hadleen dalka Suuriya, waxaanay sheegeen inay ku biireen Daacish.
Gabdhahani maaha Hablihii Soomaaliyeed ugu horreeyey ee Kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq qaybo ka tirsan, hase-yeeshee, Gabdho Soomaaliyeed oo dhalinyaro wakhtigii waxbarashada Jaamacadaha ku jira, ayaa ku biiray labadii sano ee la soo dhaafay Kooxdaas, kuwaasoo dalalka dibedaha, gaar ahaan Yurub iyo waddamada kale ee reer Galbeedka uga soo dhoofay inay ku biiraan Daacish, iyagoo qaarkood sheegay inay noqonayaan Xaasaska Mujaahidiinta Daacish sida ay hadalka u dhigeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment