Thursday, May 21, 2015

Madaxweynaha iyo Guddoomiye Cirro oo ka hadlay Shakhsiyaddii Marxuum Chief-Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile

Hargeysa, 21 May, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shacbiga ka tacsiyadeeyey geeri ku timi Alle ha u naxariistii Marxuum Chief-Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile oo ka mid ah aa madax-dhaqameed Somaliland, kaas oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
imagesDhambaal xambaarsan tacsida madaxweynaha oo ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile oo ku geeriyooday Hargeysa 20/05/2015.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa waxaanu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
cirroSidoo kale, waxa geerida marxuumka ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo sheegay in marxuumku door lixaad leh ka soo qaatay horumarinta waxbarshada dalka, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo gudoomiyuhu u diray ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland.
“Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa , Boqorada Ugaasyada, Salaadiinta Cuqaasha Iyo Bah-weynta Madax-dhaqameedka Somaliland, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii & dhamaan Shacab weynaha Reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile oo ku geeriyooday Hargeysa 20/05/2015.
Marxuum Chief Caqil Saahid Xaaji Aadan Qabille ayaa ka mid ahaa oday dhaqameed yadiid doorka weyn ka qaatay nabadaytii dalka iyo waliba macalimiintii doorka lixaad kale leh ka qaatay waxbarshada dalkaa sidoo kale wuxuu qayb ka ahaa marxuumku hal-gankii dalka dib loogu xoreeyey
Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryay inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo Marxuum Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile qoyskiisii iyo shacbka Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo,” Sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ee guddoomiyaha.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment