Hargeysa, 26 May, 2015 (Himilo)- Hoggaamiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa walaac ka muujiyey natiijo lagu qanacsan yahay, xal-na u noqota khilaafka siyaasadeed ee jira oo ka soo baxa Shirka wada-tashi ee u socda Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadda, iyagoo arrintaas ku sababeeyey inaanay xukuumadda iyo xisbigeedu oggolayn inay ka tanaasulaan go’aanka muranka dhaliyey ee Golaha Guurtida.
Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyey u fadhiyey shir-wada-tashi oo lagaga arrinsanayo muddo-kordhin laba sanno iyo dheeraad ah oo Golaha Guurtidu u samaysay madaxweynaha iyo golaha Wakiillada, iyadoo laba kulan oo u qabsoomay Arbacada todobaadkii hore iyo Sabtidii todobaadkan aan wax natiijo ah ka soo bixin. Balse Kulan saddexaad oo Isniintii shalay loo ballansanaa, kaddib markii laysku af-garan waayey doodo ay arrintan kaga yeesheen kulankoodii Sabtii, ayaa u baaqday codsi uga yimi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici oo shir-guddoominayey kulanka, iyadoo kulankaas dib loogu isla markaana loo ballamay Salaasada maanta ah.
Labada Guddoomiye Xisbi ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo WADDANI Cabdiraxmaan Ciroo oo shalay war-fidiyeennada kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay aqbaleen codsiga uga yimi madaxweyne ku-xigeenka ee kulanka maanta loogu ballamay, balse waxa ay labada guddoomiye rejo xumo ka muujiyeen natiijo ay ka filayaan shirka wada-tashi ee u socda.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay Aqoonsan doonin Xukuumadda talada dalka haysa iyo muddo-kordhintii Golaha Guurtidu u samaysay marka la gaadho 26-ka bisha June ee soo socota haddiixal-siyaasadeed oo dhinac waliba ku qanacsan yahay laga gaadhi waayo khilaafka ka taagan muddo-kordhinta. Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu ka laabto go’aanka Golaah Guurtida oo uu ku tilmaamay go’aan aan u danaynayn Qaranimada Somaliland, Xukuumaddiisa iyo madaxweyne ahaan sharaftiisa, waxaanu tusaale u soo qaatay oo madaxweyne Siilaanyo uu xusuusiyey mowqifkii uu ka taagnaa muddo-kordhinta xilligii uu mucaaradka ahaa iyo go’aankii ay Faysal ahaan wada-jirka u qaateen inay ku dhaqaaqayaan haddii muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumaddii UDUB.
“Markii guurtidu soo saartay go’aanka bilaa sharciga ah UCID ayaa madaxweynaha ka codsaday wada-hadalka waxaanan arkaynay inay arrintaasi keenayso khilaaf iyo aduunkii oo inaga taga, inaga oo maanta u baahan mucaawino ictiraafna doonayna haddii adduunku inaga tagana isma bixin karayno, Madaxweynaha waxaan ku idhi muddadaas ay goysay guurtidu kuu dan maaha dalkana dan uma aha sharaftaadana way dilaysaa ee aynu arrintaas meel ka soo wada istaagno, madaxweynuhu wuu arkay khatarta ay leedahay, waana ku ceeb madaxweynaha in wixii uu diidayey 2009-kii inuu maanta difaaco waanay ku xun tahay, dadka waxaas wadaana maaha dad u danaynaya madaxweynaha waayo waxaynu ogayn halka uu ka taagnaa korodhsiga guurtida iyo sharci-darada in maanta la yidhaa waa looga ergaynayaa waxaan arkaa inaanay ahayn fikradiisa, waxaana waxan wata dad calculator sita oo xisaabsanaya maalinba intii dadka ka soo gali jirtay mana ah dad u danaynaya dalkeena,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabewaxa uu sheegay inaanay xukumadda aqoonsanayn wixii ka dambeeya 26-ka bisha June ee sannadkan oo hore loogu muddeeyey doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, “Anagu waxaanu nahay gurmad ilaalinaya danta dalka Somaliland iyo sharafta madaxweynaha, madaxweynaha waa la sharfay waana la doortay waana inuu sharaf ku qabtaa doorashada oo aan lays xag-xagan, waxaanu sheegaynaa anagu haddi ay gaadho 26-ka June iyada oo aan xal laysla gaadhin, dawladaas ma ictiraafayno, guurtidu wixii ay kordhisay ma ictiraafayno, waxaaa iman doonta sidii aanu ku wada tashanay barigii hore aniga iyo Madaxweynuhu inaanu qaban doono shir qaran oo aanu samayn doono dawlad umadu ogoshahay oo doorasho inoo qabata dalkanina doorasho la’aan socon maayo,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sheegay inay xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye u oggolaadeen fursad kasta oo suurta-galisay qabsoomidda wada-hadallada,
“Waxaad ka war qabteen inuu socday wada hadal ah gogol madaxweynuhu fidiyey oo lagaga wada hadlayey khilaafkii ka dhashay go,aankii golaha guurtidu gaadhay ee ahaa mudo kordhinta aan laysla ogolayn, anaga oo aan wax shuruud ah ku xidhin waxaanu ogolaanay inaanu gogosha nimaadno, waxaanay bilaabantay 20-kii May, wax natiijo ah oo ka dhashay kulankaasi muu jirin laakiin anaga oo eegayna danta Somaliland badbaadinteeda iyo inuu heshiis dhaco waxaanu siinay fursad xukuumada iyo xisbiga Kulmiye, waxaanan isla qaadanay in la raadiyo xal siyaasiya oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa khilaafkaas,” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.
Gudoomiye Cirro, waxa uu ka dayriyay in natiijo wax ku ool ahi ka soo baxdo Wada xaajoodka, “Markaanu ka doodnay dood dheer si dimuqraadi ah xisbiga Waddani iyo xisbiyada mucaaridka ahba waxaanu qaadanay anaga oo madaxweyne ku xigeenka ku xurmaynayna hawsha uu ku jiro uguna ducaynayna inuu natiijo keeno oo aanan wax badan ka filayn, waxaanu shacabka u cadaynaynaa inaanu saddexda fursadood ee aanu bixinay in xal la gaadho waxaanan is leenahay fursad afraad ma jiri karto, waxaanad noogu ducaysaan inay xal la yimaaddaan, gogoshiina waanu ku fadhinaa, kamaanaan kicin, laakiin hadii xal iman waayo waxay ila tahay gogosha iyaga ayaa laalaabaya,” sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment