Saturday, May 23, 2015

Hoggaamiyihii Al-Qaacida oo Al-Shabaab ugu baaqay inay dilaan Madaxweynaha dalka Uganda

Pakistan, 23 May, 2015 (Himilo)- Qoraal ka mid ah Dukumiintiyadii laga Helay Gurigii uu deggenaa hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usaama Bin Laden, ayaa laga helay qoraal intii uu noolaa u diray Kooxda Al-Shabaab, kaasoo qoraalkiisu sheegayo in Bin Laden uu Al-shabaab ugu baaqay inay dilaan Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni.
Al_Qaeda_Leader_Bin_LandenQoraalkan, ayaa la sheegay in Usama Bin Laden uu sannadkii 2010-kii Warqad u diray Kooxda Al-Shabab ee ka dagaallanta Soomaaliya, isagoo amar ku siiyay inay fuliyaan dilka hoggaamiyaha dalka Uganda oo dalkiisu ay Ciidammo ka tirsan AMISOM kaga sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.
“Waxaan idinku boorrinayaa inaad qaaddaan taallaabo kasta oo aad ku dili kartaan Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo caqabad ku ah hawlgalkiinna.” ayuu ku yidhi qoraalkan Sannado ka dib la soo bandhigay dhimashada Hoggaamiyihii hore ee Shabakadda Al-Qaacida Cusaama Bin Laden oo la sheegay in laga helay gurigii uu degganaa ee gudaha waddanka Pakistan oo Ciidammada Maraykanku ku duleen sannadkii 2011-kii.
Sidoo kale, Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in sababta dilka Madaxweyne Moseveni ay tahay si loogu aargudo dadka ay Ciidammadiisu ku lahaynayaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, iyadoo la xusay in meesha ugu weyn ee ay dadka ku laayaan tahay Suuqa Weyn ee Bakaaraha oo ay ka talinaysay Al-Shabaab.
Qoraalkan oo sii socday waxa la sheegay inuu Usama ku yidhi; “Walaalaha Mujaahidiinta Soomaaliya waa inay uga aar-gudaan Uganda Muslimiinta ay ku laayeen Soomaaliya, iyagoo bartilmaameedsanaya hoggaamiyahooda Museveni, taasoo billaw u ah fashilka hawlgalka Ciidammada AMISOM.”
Qoraalka Cusama Bin Laden oo ku socday Hoggaamiyihii la dilay ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayuu kaga dalbaday inuu Geeska Afrika ka hirgeliyo dawlad Islaami ah; taasoo ka shaqaysa hirgelinta Shareecadda Islaamka.
Bin Laden, ayaa sidoo kale Warbixintiisa la sheegay inuu ku xusay in Ahlusunna Waljamaaca oo Xoogagga Al-shabaab kula dagaallantay gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ay yihiin aalad ay kooxo cadow ahi adeegsanayaan si loo burburiyo afkaarta Al-Qaacida.
Dawladda Uganda, ayaa ka mid ah dawladaha Midawga Afrika ee Safka hore ee ay Ciidammada nabad-ilaalinta ee garabka u ah kuwa dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka joogaan gudaha waddanaka Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007-dii, kuwaasoo dagaal kula jira Kooxda Al-Shabaab oo caawa Ciidammada Federaalka Soomaaliya oo aan awood ahaan u dhisnayn inay keligood iska caabbiyaan Al-Shabaab, kooxdaas oo si rasmi ah u shaacisay inay ku biirtay Al-Qaacida sannadkii 2012-kii.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment