Thursday, May 28, 2015

Maxay Xisbiyada UCID iyo WADDANI u sheegeen Danjire Neil Wigan?

Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Safiirka Dalka Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Neil Wigan, ayaa kulan gooni-gooni ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo iyo guddoomiyeyaasha Xisbigayada Mucaaradka, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanay kulamadaas kaga wada-hadleen Arrimaha Doorashooyinka iyo khilaafka ka taagan muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha.

Kulamadan oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu dhammaaday warbaahinta uga warramay arrimaha lagaga wada-hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa isagu gebi ahaanba ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo arrimaha laga wada-hadlay marka laga reebo xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalku marayo. “Waxaanu ka wada-hadlaynay arrimahaa dalka ka dhacaya iyo qorshayaasheenna,”Sidaas ayuu yidhi Md Saleebaan Maxamuud Aadan.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo la weydiiyey in Safiirku kala hadlay Go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxa uu ku jawaabay, “Guurtida Cidina ka caban-mayso, guurtidu go’aanna waa gaadhay, shuruucda dalkana waa ka mid,” ayuu yidhi Md Saleebaan Maxamuud Aadan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo kulan gaar ah la qaatay Danjire Neil Wigan, ayaa ka warramay waxyaabaha ay ka wada-hadleen, waxaanu yidhi, “Guud ahaan, waanu uga warrannay xaaladda Guud ee dalka, mowqifka Xisbigana waanu uga warranay oo ah inay wadanka si nabad-gelyo ah uga qabsoonto doorashadu wakhtigii uu komishanku cayimay. Waxa kale oo aanu u xaqiijinnay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay, wixii kale ee arrin ah ee laga wada-hadlayo ee doorashadu ku qabsoomayso ee Somaliland ku badbaadayso.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Warabe, ayaa sheegay in safiirka Ingiriisku u soo jeediyey in Somaliland gudaheeda ku xalliso wixii khilaafaad ah ee jira isla markaana ay kula hsaqaynayaan hadba go’aanka ka soo baxa wada-xaajoodka Xisbiyada iyo madaxda Qaranka.

“Waxaanu u sheegnay inaanu jecelnahay wixii annaga gudahayaga ah inaanu annagu qabsanno ee aan dibadda lanagaga iman, wixii aanu ku heshiinnana waxaanu jecelnahay in adduunku nagu caawiyo, shacabkuna sidaasay raalli ka yihiin. Markaa isaguna (Safiirka Ingiriiska) wuu qaatay oo wuxuu yidhi ‘annagu waxaanu jecelnahay wixiinnu inuu ahaado inaad idinku Xalkiinna gaadhaan (Internal Solution), inaanu isku kiin soo dabbaalno mooyaane, annagu gudihiina soo gali mayno, wixii aad isku raacdaanna annagu waanu idinkula shaqaynaynaa oo gacan baanu idinku siinaynaa’.”Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaanu nidhi in shacbiga Somaliland oo wax badan gacantooda ku qabsaday la eego oo la kala saaro shacbiga iyo siyaasiyiinta, Shacbigu uma baahna in gacanta la qabto mooyaane in dhibaato loo soo jiido, maaha in shacbiga loogu hanjabo waxa yare e gacan-ku-tiriska ah ee adduunka ka helno. Markaa aad iyo aad ayuu u soo dhaweeyey arrimahaas.”

 

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment