Monday, May 25, 2015

Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng faysal cali waaraabe oo sheegay inaanay xukuumadda iyo mudo kordhinta Guurtida aqoonsan doonin haddii 26-ka june ka hor xal laga gaadhi waayo khilaafka siyaasadeed ee guurtidu sababtay

Hargeysa(Himilomedia)-May-25-2015-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay Xukumadda iyo muddo kordhinta guurtida aqoonsan doonin haddii 26-ka June ka hor khilaafka muddo kordhinta laga gaadhi waayo heshiis loo dhan yahay.

Waxa uu sheegay inay qaban doonaan shir wada tashi oo lagu sameeyo dawlad umaddu wada ogoshahay. Waxa uu sheegay inaan ficilada Xukumadda iyo muddo kordhintu ahayn kuwo ka soo fulay maanka Madaxweynaha.

“Markii guurtidu soo saartay go,aanka bilaa sharciga ah Ucid ayaa madaxweynaha ka codsaday wada hadalka waxaanan arkaynay inay arintaasi keenayso khilaaf iyo aduunkii oo inaga taga, inaga oo maanta u baahan mucaawino ictiraafna doonayna haddii aduunku inaga tagana isma bixin karayno, Madaxweynaha waxaan ku idhi mudadaas ay goysay guurtidu kuu dan maaha dalkana dan uma aha sharaftaadana way dilaysaa ee aynu arintaas meel ka soo wada istaagno madaxweynuhu wuu arkay khatarta ay leedahay, waana ku ceeb madaxweynaha in wixii uu diidayey 2009-kii inuu maanta difaaco waanay ku xun tahay, dadka waxaas wadaana maaha dad u danaynaya madaxweynaha waayo waxaynu ogayn halka uu ka taagnaa korodhsiga guurtida iyo sharci darada in maanta la yidhaa waa looga ergaynayaa waxaan arkaa inaanay ahayn fikradiisa, waxana waxa wata dad calculator sita oo xisaabsanaya maalinba intii dadka ka soo gali jirtay mana ah dad u danaynaya dalkeena,” ayuu yidhi Eng Faysal oo maanta la hadlayay saxaafadda.

 

 

Gudoomiye Faysal waxa uu sheegay inaanay xukumadda aqoonsan doonin 26 ka dib “Anagu waxaanu nahay gurmad ilaalinaya danta dalka somaliland iyo sharafta madaxweynaha, madaxweynaha waa la sharfay waana la doortay waana inuu sharaf ku qabtaa doorashada oo aan lays xag xagan, waxaanu sheegaynaa anagu haddi ay gaadho 26-ka June iyada oo aan xal laysla gaadhin dawladaas ma ictiraafayno, guurtidu wixii ay kordhisay ma ictiraafayno, waxaana iman doonta sidii aanu ku wada tashanay barigii hore aniga iyo Madaxweynuhu inaanu qaban doono shir qaran oo aanu samayn doono dawlad umadu ogoshahay oo doorasho inoo qabata dalkanina doorasho la,aan socon maayo, dadka waxaanu waydiinaynaa 22 bilood oo laba doorasho inoo yaalaan maxaa la qabanayaa, waa dad laba mayd u yalaan soo in mid uun la aaso maaha, dan somaliland ah lama wado.”

 

 

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu farriin u diray Shacabka Somaliland “Waxaad kala doorataan shacabka somaliland-now inaynu u danayno kooxo kiish daloola wata iyo inaynu dalkeena iyo umadeena u danayno, danteenu kuma jirto inay doorashadaasi u dhacdo sanadka 2017-ka, danta umadana kuma jirto inay laba sanadood boodo doorashadii la doonayey inay dhacdo 2015-ka waana inaynu meel uga soo wada jeedsano inaanay arintaasi dhicin oo aan dalkeena khal khal la galin, waxaanan leeyahay kubada xaga xukuumada ayey taalaa ilaahay ayaanan ka baryeynaa inuu caqli siiyo, haddii ay la yimaadaan xal siyaasi waa noo furan tahay haddii ay la iman waayaan talo ayeynu iskugu imanaynaa waxaynu arkaynaa inay dadkani yihiin kuwa danaysanaya balse aanay ahayn kuwo dalka u danaynaya, waxaanan leenahay danteenana maaha in la fuliyo wixii ay guurtidu kordhisay.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment