Thursday, May 28, 2015

Guddoomiye Cirro oo Is-barbardhigay Muddo-kordhinta Madaxweyne Siilaanyo tii Daahir Rayaale

Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa sababta Xisbigiisu u diiddan yahay muddo-kordhinta labada sanno ee Guuritu u samaysay Madaxweynaha ku sheegay mid aan waafaqsanayd go’aamadii muddo-kordhinta ee hore uga soo bixi jiray Golaha Guurtida xilligii Xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ku dooday in muddo-kordhin laba sanno ah oo mar kaliya Guurtidu samayso aanay hore uga dhicin dalka, balse ay jirtay laba jeer oo min hal sanno loo kordhiyey, taasina waafaqsan tahay go’aankii Guddiga Doorashooyinku xilliga doorashada ugu muddeeyeen badhtamaha sannadka soo socda, madaxweyne Siilaanyo-na sidaas ku helay muddo-kordhin hal sanno.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shalay war-fidiyeennada uga warramayey nuxurka kulan uu la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, ayaa mar wax laga weydiiyey in doodda Xisbiga WADDANI ee ku aaddan in laga noqdo muddo-kordhinta labada sanno Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada uu ka hor-imanayo isla markaana burinayo go’aan ka soo baxay hay’ad Dastuuri ah, waxa uu ku jawaabay, “Maya ee ma lihin, muddo-kordhintii waa la sameeyey, madaxweynayaasha marna may dhicin in sannad wax ka badan mar loo kordhiyo, way dhacday laba jeer oo sannad-sannad loo kordhiyo. Madaxweynahana sannadkii waa loo kordhiyey,” ayuu yidhi Md Cirro.

Haddaba, Md Cabdiraxmaan Cirro oo kulankii natiijo la’aanta ku dhammaaday ee habeen hore laga weydiiyey su’aal u dhignayd; “Wararku waxay sheegayaan inaad ka biyo-diideen qodobka ah Guurtida aanu kula noqonno, go’aankii inay ka noqonayaan iyo in kale, markaa maxaa ku jaban haddii Guurtida lagula noqdo?” Waxa uu ku jawaabay, “Annagu waxaanu isku af-garan waynay inaanu heshiis gaadhno dadkana u sheegno, intaasaanu kaga nimi meesha,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Mar Cabdiraxmaan Cirro la weydiiyey maadaama oo Golaha Wakiillada ee uu guddoomiyaha ka yahay uu muddo-kordhinta ku jiraan, inuu isagu shakhsi ahaan qaatay muddo-kordhinta iyo inuu iska casilayo xilka guddoomiyaha Golaha Wakiillada maadaama uu yahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxa uu ku jawaabay, “Maya, ee muddo-kordhinta hala iga daayo ayaan leeyahay oo waa laygu diiddan yahay,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka oo Arbacadii dorraad isugu yimi wejiga saddexaad ee wada-xaajoodka xal siyaasadeed loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee muddo-kordhinta ka dhashay, ayaa ku ka kacay kulankaas oo ilaa habeennadii gaadhay, kaddib markii Xisbiga WADDANI ka biyo-diiday codsi qaabka loo fulinayo qodobbo lagu heshiiyey, kuwaas oo dhigayey in xukuumaddu ka tanaasusho muddo-kordhinta labada sanno ah ee loo sameeyey, saddexda dhinacna isugu yimaaddaan meel dhexe, taas oo ergadii dhinaca xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye codsadeen in muddo laba maalmood ah la siiyo si ay Golaha Guurtida ugu celiyaan heshiiska la gaadhay. Haseyeeshee, Xisbiga Waddani oo doonayey in Madasha shirku ka socdo laga sheego arrimaha lagu sheegayey, ayaa ku gacan-saydhay codsigaas, isla markaasna fadhiga ka kacay ergooyinkii Xibiyada UCID, Kulmiye iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, sidaasna uu wada-xaajoodku ku burburay.

Himilomedia

Hargeysa        

 

 

No comments:

Post a Comment