Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.
Waa qodobka 37aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland
Waxa hubanti ah in xukuumad kasta oo tallada waddanka qabataa ay ku qasban tahay ilaalinta masiirka shacabka iyo dhowrida karaamadooda eebe ku galaday, laakiin xukuumadeena xigmad daran way xajiimeysay xushmadeynu ka mudneyn.
Waxa maalmihii ugu danbeeyey si weyn hadal haynteedu u badneyd tallaabadii ay xukuumadu ka qaaday qaxoontiga soomaalida ah ee ka soo qaxay dagaalada ka socda waddanka Yemen taasoo badi qeybaha kala duwan ee bulshadu aad u saluugeen tallaabadii ay xukuumadu qaadey, waxaaney durtaba bilowday dacaayado ay wadaan cadowga Somaliland oo aad mooda markasta iney fursad ka helayaan xukuumada kooxaysiga ah ee kala socota.
Summada Somaliland waa Isa saamaxaada, isku tanaasulka, is kaalmeynta, iyo waliba isku duubnida shacab iyo dawlad laakiin kuwa hadda tallada dalka haya ayaa baanad weyn ku furfuraya intaan sare ku xusayba.
Waxaad moodaa in nabar weyn oo aan abid ku dhicin sumcadda iyo sawirka siyaadeed ee Somaliland ay gaadhsiiyeen xubno kamid ah xukuumada hadda tallada waddanka loo dhiibay ma garan karo iney ka tahay aqoon darri iyo iney ka tahay deg deg aan tallo laga galin.
Xattaa ma awoodi karaan iney isticmaalaan erayo bilaa xanaf ah oo xigmad huwan (Diplomatic words) oo ah xadhiga lagu xakameeyo xidhiidhka aad la leedahay dawladaha dunida iyo daneeyayaasha dalkaaga.
Way habooneyd inaad tidhaahdaan waxaanu aad uga cabsi qabnaa qaxoontiga iney ku soo dhex dhuuman karaan shaqsiyaad waxyeeleyn kara xasiloonida iyo amniga dalkayaga, xaq ayaad u leedihiin idinkoo ka wakiil ah shacabka eegayana danta dalka iyo dadka inaad dunida ku qancisaan waxa kaliya ee Somaliland haysataa inuu yahay amaanka waxay ku badalan kartaana jirin.
Xaq ayaad u leedihiin ineydun celisaan qaxoontiga laakiin waa in ay jiraan duruufo gaar ah oo aan laga gudbi Karin.
Halkeed ku haysaan diin iyo dadnimana kaga jirtaa dad masaakiin ah oo markab saaran oo dagaal ka soo cararay oo tabaaleysan oo maati ah inaad tidhaahdaan soo degi maysaan?
Waxaan la wadaagayaa dadkeyga damiirkooda ka damqanayo ficilkaad fasheen, waxaanan idin leeyahay taarikhdu way idin qortey.
Waxaad ku doodeen Somaliland dhaqaale uma hayso qaxoontiga ee dunida hanaga caawiso haddii kale waanu joojiney. Eraygaasna waxaa lahaa nin wasiir ah oo dawlada ku jira waana wasiirka arimaha gudaha dunida kaa caawineysa ee ku ictiraafsan waa ayo ee aad ka sugeysaa waxtarka? Kaalin intee leeg ayey dunidu ku leedahay horumarka aynu ku talaabsaney 24 sano oo aynu jirnay shacabkan iyo qarankani iyagaa isku filan oo tashaday taasina waxay marag madoon ka dhigtey in aad duunyo ku raadineysaan daryeelka dadka dagaalada ka soo galay dalkeena kadib markii ay idinku filnaan weyday boobkii hantida shacabku
Haddii aad dunida xushmeynayso oo diintaada iyo dadnimaada iyo waliba dawladnimadaada ixtiraami wayday maad ixtiraamtid xeerarka caalamiga ah iyo baaqyada dunidu ka soo saartey xuquuqal aadamaha (Universal Declaration of human rights) baaqaas caalamiga ah ee xuquuqda aadmahu qodobkisa14aad ayaa sheegay inuu qofku xaq u leeyahay inuu helo dal uu ku badbaadi karo haddii uu dhibaateysan yahay. Miyaad ixtiraamtaan (International Refugee law) xeerka caalamiga ah ee qaxoontiga
Waxa nabar weyn lagu dhuftay karaamadii iyo sharaftii lagu yaqiiney shacabkeena xarruuriga ah ee dunta fiican waxaana ku dhuftey shaqsiyaad ka tirsan xukuumada kuwaas oo aad mooda inaaney eegeyn kuna xisaabtameyn talaabo kasta oo ay qaadan waxa ka dhalan kara
Somaliland samafalka ayaa sumad u ah ee Somaliya ha ku suntin dadka silcaya ayaan leeyahay xukuumadda ayaan daran.
Waxaan si weyn ganafka ugu dhufanayaa ninka yidhi waxaan ahay wasiirka arimaha dibada dawlada taagta daran ee Somalia, wuxuu ka arkooda inuu sidaas u hadlo habayaca iyo hanaan xumida haysata kuwa loo dhiibay hogaanka umadda inuu sidaas u hadlo oo nacas kastaba ku dibira dhacsado kana faa’iideyso khaladkasta oo ay galaan kooxaha awood kala boobka ah ee ka arriminaya masiirka qarankeena. Waxaan leeyahay Somaliland adiga iyo qeyrkaa toona ma xukumtaan waxbana uma yeedhin kartaan iyadaana iska leh dalkeeda xorna way u tahay talaabo kasta oo ay qaado ee adigu ka hadal shacabka ku dayacan degmooyinka xamar.
Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
Email: Barkhad909@live.com
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment