Sunday, May 31, 2015

Berbera: Madaxweynaha oo Xadhigga ka jaraya Mashaariic noocooda aan hore dalka looga hirgelin

Hargeysa, 31 May, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Xadhigga ka jaraya mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey Haamaha Keydka Shidaalka iyo Dekedda Berbera.
DSC_0121Mashaariicda uu madaxweynuhu Xadhigga ka jarayo waxa ugu weyn Laab Casri ah oo loo sameeyey Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, kaas oo loogu talo-galay hubinta tayada Shidaalka ay dalka keenaan ganacsatada kala duwan ee waddamada dibadda ka soo keena Shidaalka dalka laga isticmaalo intiisa badan oo lagu shubo Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera. Waxa kale oo uu madaxweynuhu furi doonaa dib-u-dhis iyo ballaadhin lagu sameeyey qaybo ka mid ah Dekedda Berbera.
Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland oo shalay gelinkii dambe ka amba-baxay magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo la filyo inuu socdaalkiisa ku qaato muddo dhowr maalmood ah, isla markaana uu xadhigga ka jari doono kuwo kalena ku dhagax-dhigi doono mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey iyo kuwa hor leh oo laga hirgelinayo laamaha hay’adaha dowladda ee magaalada Berbera.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan Marwada koowaad, Xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, waxa duleedka magaalada Berbera kaga hor-tagay maamulka gobolka, degmada Berbera iyo dadweyne tiro-badan, waxaanay madaxweynaha u galbiyeen gudaha magaalada, halkaas oo madaxweynaha iyo weftigiisu ku dageen Aqalka Martida ee Caasimadda gobolka Saaxil.
Ka sokow Mashaariicda la filayo inuu madaxweynuhu Xadhigga ka jaro, waxa kale oo Md Silanyo kormeer iyo booqasho ku mari doonaa goobo magaalada Berbera laga dejiyey Qaxoontiga ka soo cararay dagaalada ka socda waddanka Yemen.
Socdalka Md Siilaanyo shalay ku tagay magaalada Berbera, ayaa noqonayaa kii saddexaad ee uu isla sannadkan gudihiisa ku tago, isla markaana uu xadhigga kaga jaro mashaariic door ah oo dowladda Hoose iyo Dekedda Berbera hirgeliyeen halka uu sidoo kale u dhagax-dhigay mashaariic kale oo cusub.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment