Sunday, May 31, 2015

Somaliland oo Shaacisay inay ka noqotay go’aan ay ka qaadatay Qaxoontiga Yemen ka soo qaxaya iyo Sababaha keenay

Hargeysa, 31 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay dib u fasaxday inay Dekedda Berbera ka soo degi karaan dadka Qaxoontiga ah ee u dhashay dalka Soomaaliya, isla markaana ka soo qaxaya dagaallada ka socda waddanka Yemen.
xukuumadaXukuumadda Somaliland, ayaa toddobaadkii hore shaacisay inay joojisay qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo qaxaya dagaallada Yemen ee ay ku qaabbili jirtay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera, ka dib markii ay ku doodday inay Hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha bina-aadaminnimada iyo Qaxoontiga ku shaqada leh ee dalka joogaa kaga baxeen inay wax u qabtaan qaxoontigaas, Somaliland ahaanna aanay u haynin awood dhaqaale oo ay baahida dadkaas ku daboosho, sidoo kalena ay cabsi dhinaca ammaanka ah ka qabto in lagu soo dhex-dhuunto qaxoontigaas.
Hase-yeeshee, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada arrimaha gudaha, Dib-u-dejinta, Wasiir Ku-xigeennada arrimaha Bulshada iyo Shaqada iyo Caafimaadka oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Xukuumaddu ka noqotay go’aankii ay hore ugu joojisay qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee Yemen ka soo qaxaya, ka dib markii ay Hay’adaha qaarkood isla qaateen qorshe lagu gargaarayo qaxoontigaas.
“Waxaannu idiin sheegaynaa inaannu wada kulannay oo ka wadahadalnay Hay’adaha caalamiga ah ama UN-ka, sidii loo maarayn lahaa dadkaa Masaakiinta ah ee ka imanaya Yemen wax loogu qaban lahaa, sidii dalkooda loo gaadhsiin lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ugu horreyn Shirkaas Jaraa’id ee ay shalay Wasiirradu wada qabteen ka hadlay.
Waxa uu Wasiir Waran-cadde oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Sidaa awgeed, waxaannu isla garannay in wixii kharashaad ah ee gaadhsiinaya dalkoodii inay Hay’adaha UNHCR iyo kuwa Bina-aadaminnimada khuseeya ay bixiyaan, weliba dadka reer Somaliland-na waxay gacan ka geysan karaan ay ka geystaan. Sidaa awgeed ayay dawladdu go’aan ku gaadhay in dadkii aannu u fududayno, maaddaama oo waxyaabihii aannu markii hore ku hakinnay badankoodii la xalliyey.”
Mar uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ka hadlayey in si fool-xun looga arkay tallaabada ay ku diideen Qaxoontiga Markabka inay ka soo degaan loo diiday ee Jimcihii soo gaadhay Dekedda Berbera, waxa uu yidhi; “Taa waxaannu leenahay way siyaasadeeyeen, waxaannu leenahay caalamkuna wuu ogyahay inaannu nahay laba dal oo kala gaar ah, inaan Maamulka Soomaaliya xukumin Berbera iyo Somaliland, hase-yeeshee, markii aannu u helnay duruufihii ay ku noolaan lahaayeen ama ay ku gudbi lahaayeen annagaa aqbalnay qaxoontiga.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Haddaanay wax dhibaato ah oo ammaanka wax yeelaya ama duruufo loo malaynayo inaanay sidan ku shaqayn karayn aanay soo kordhin xukuumadda Somaliland way fasaxday.”
Wasiirka dibu-dejinta Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay qaadatay go’aan markii ay eegtay duruufo badan oo dhinacyo badan ay ka eegtay in qaxoontigii Soomaaliya u dhashay ee kasoo cararayay dalka Yemen ay shalay laga bilaabo iman karaan Somaliland. waxaanu xusay in Hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNHCR IYO IOM ay qoraallo rasmi ah kusoo gaadhsiiyeen Somaliland inay dadkaas gaadhsiinayaan deegaankoodii marka ay yimaaddaan Somaliland.
Cali Siciid Raygal, waxa uu ku dooday inay Xukuumaddu joojinta qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah u joojisay laba qodob awgood, kuwaasoo uu ku kala sheegay inay hubinaysay dhinaca ammaanka iyo culays dhinaca dhaqaalaha ah oo Xukuumadda soo food-saaray, ka dib markii ay Hay’adaha caalamiga ah, kuwa Qaramada Midoobay ee arrimaha Qaxoontiga qaabbilsan iyo kuwa kale ee Samo-falkuba ka gaabiyeen inay ka taageeraan Somaliland wax u qabashada Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo qaxaya waddanka Yemen ee ay dagaalladu aafeeyeen dhawrkii bilood ee u dambeeyey, balse markii xal loo helay labadaas qodob ay go’aansatay in dib loo fasaxo qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo cararaya dagaallada Yemen.
Xukuumadda Somaliland, ayaa 24-kii bishan May joojisay qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo qaxaya Yemen ee ka soo degaya Dekedda magaalada Berbera, ka dib markii ay ku sababeysay go’aankaas inay jiraan arrimo ammaan-darro iyo cabsi laga qabo inay kusoo dhex dhuuntaan dad argagixiso ahi iyo weliba kooxda dagaalka kula jirta dawladda Yemen ee Xuutiyiinta.
Sidoo kale, waxay Somaliland ku doodday inaanay awood dhaqaale u haynin Qaxoontigaas, maaddaama oo ay Hay’adaha caalamiga ahi kaga baxeen ka qayb-qaadashada qaabbilaadda Qaxoontiga iyo sidoo kale wax la qabashada ama wax tarka dadkaas, base waxay hadda ku doodday inay dib u fasaxday markii xal loo helay labadaas qodob ee marka hore-ba culayska ku keenay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment