Monday, May 25, 2015

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo ka Hadlay Sababta Dib u dhaca kulankii Maanta La filayey in Natiijo lagaga Gaadho Wada-hadalkii Axsaabta Siyaasada u Socday

Hargeysa (Himilo)-Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Waddani ayaa ka waramay sababta dib u dhaca kulankii wada hadalka xisbiyada ee lagaga arrinsanayey khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyey Xukuumada iyo Golaha wakiilada.
faysal-iyo-cirroGuddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si wada jir ah uga hadlay sababta dib u dhaca kulankii maanta xisbiyadu u balansanaayeen inay kaga wada hadlaan khilaafka siyaaseed ee ka oogan.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ugu horreyn waxa uu yidhi:- “waxaad ka war qabteen inuu socday wada-hadal ah gogol uu madaxweynuhu fidiyay, oo lagaga wada hadlayay khilaafkii ka dhashay go’aankii golaha guurtidu gaadheen ee ahaa muddo-kordhinta aan laysla ogolayn. Anagu Xisbiga Waddani-ahaan wax shuruud ah kumaanu xidhin, waanu ogolaanay inaanu gogoshaasi, waxaanay bilaabantay 20kii May,2015-ka, wax natiijo ah oo ka dhashay kulankaasina muu jirin, laakiin anagga oo eegayna danta Somaliland iyo badbaadda Somaliland iyo in heshiis dhaco, waxaanu siinay fursad Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE-ba, waxaanuna isla qaadanay in xal-siyaasi ah la helo. waxaanu isku soo noqonay Sabtiddii wax xal ahina kamuu iman dhinaca Xukuumadda iyo dhinaca Xisbiga KULMIYE, maalintii gogosha la dhigayay ayaanay gogosha laabeen, sababta oo ah gogol-na waanu dhignay ayay yidhaahdeen, go’aanka khilaafka dhaliyayna waxay yidhaahdeen waa lama taabtaan. waxaanu ku kala tagnay in maalin kale la siiyo oo aanu ISNIINTA isku soo noqono, hase yeeshee, Madaxweyne ku-xigeenka oo dhex-dhexaadinayay Saddexda Xisbi qaran oo hawlna ku jiraa waxa uu naga codsaday in Maalin dheeraad ah la siiyo, oo kulankii maanta dib loo dhigo, berrina la siiyo markaanu ka doodnay dood dheer si dimuqraadi ah, waxaanu qaadanay anagga oo ku xurmaynayna Madaxweyne Ku-xigeenka in aanu maalintaas-na siino” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Xuseen ayaa isna waxa uu yidhi:- “Markii guurtidu soo saartay go’aanka bilaa sharciga ah Ucid ayaa madaxweynaha ka codsaday wada hadalka waxaananu arkaynay inay arrintaasi keenayso khilaaf iyo adduunkii oo inaga taga, inaga oo maanta u baahan mucaawino ictiraafna doonayna haddii adduunku inaga tagana isma bixin karayno, Madaxweynaha waxaan ku idhi muddadaas ay goysay guurtidu kuu dan maaha dalkana dan uma aha sharaftaadana way dilaysaa ee aynu arrintaas meel ka soo wada istaagno madaxweynuhu wuu arkay khatarta ay leedahay, waana ku ceeb madaxweynaha in wixii uu diidayey 2009-kii inuu maanta difaaco waanay ku xun tahay, dadka waxaas wadaana maaha dad u danaynaya madaxweynaha waayo waxaynu ogayn halka uu ka taagnaa korodhsiga guurtida iyo sharci darada in maanta la yidhaa waa looga ergaynayaa waxaan arkaa inaanay ahayn fikradiisa, waxaana waxan wata dad calculator sita oo xisaabsanaya maalinba intii dadka ka soo gali jirtay mana ah dad u danaynaya dalkeena,” ayuu yidhi Eng Faysal oo maanta la hadlayay saxaafadda.


Gudoomiye Faysal waxa uu sheegay inaanay xukumadda aqoonsan doonin 26 ka dib “Anagu waxaanu nahay gurmad ilaalinaya danta dalka somaliland iyo sharafta madaxweynaha, madaxweynaha waa la sharfay waana la doortay waana inuu sharaf ku qabtaa doorashada oo aan lays xag xagan, waxaanu sheegaynaa anagu haddi ay gaadho 26-ka June iyada oo aan xal laysla gaadhin dawladaas ma ictiraafayno, guurtidu wixii ay kordhisay ma ictiraafayno, waxaana iman doonta sidii aanu ku wada tashanay barigii hore aniga iyo Madaxweynuhu inaanu qaban doono shir qaran oo aanu samayn doono dawlad ummadu ogoshahay oo doorasho inoo qabata dalkanina doorasho la’aan socon maayo, dadka waxaanu waydiinaynaa 22 bilood oo laba doorasho inoo yaalaan maxaa la qabanayaa, waa dad laba mayd u yaalaan soo in mid uun la aaso maaha, dan Somaliland ah lama wado.”
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu farriin u diray Shacabka Somaliland “Waxaad kala doorataan shacabka somaliland-now inaynu u danayno kooxo kiish daloola wata iyo inaynu dalkeena iyo ummadeena u danayno, danteenu kuma jirto inay doorashadaasi u dhacdo sanadka 2017-ka, danta ummadana kuma jirto inay laba sanadood boodo doorashadii la doonayey inay dhacdo 2015-ka waana inaynu meel uga soo wada jeedsano inaanay arrintaasi dhicin oo aan dalkeena khal khal la galin, waxaanan leeyahay kubada xaga xukuumada ayey taalaa ilaahay ayaanan ka baryeynaa inuu caqli siiyo, haddii ay la yimaadaan xal siyaasi waa noo furan tahay haddii ay la iman waayaan talo ayeynu iskugu imanaynaa waxaynu arkaynaa inay dadkani yihiin kuwa danaysanaya balse aanay ahayn kuwo dalka u danaynaya, waxaanan leenahay danteenana maaha in la fuliyo wixii ay guurtidu kordhisay.

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment