Wednesday, May 27, 2015

Soomaaliya oo soo bandhigtay Natiijada Sahamin khaldan oo Xukuumadda Somaliland ka ogolaatay hay’adda UNFPA oo ku wacad-furtay

Ballanqaadkii Wasiirka Qorsheynta Dr. Sacad iyo hay’adda UNFPA oo beenoobay iyo talaabada shacabku ka filayaan xukuumada

“Xogtaa waxa iska leh Somaliland, mana suurtowdo in lagu wareejiyo xukuumada Soomaaliya, sidaana….” - Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire.
Muqdisho 27 May, 2015 (Himilo)- Dowladda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqidho shalay ku soo bandhigtay tiro-koob laga sameeyey gobollada dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Hay’adda UNFPA ku wareejisay.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan tira-koobka Dadka ee UNFPA, ayaa sahamin qiyaas ah oo ay ugu talo-gashay isla markaana kala shaqaynaysay Wasaaradda qorsheynta, waxa ay ka samaysay gobollada Somaliland, taas oo qorshaheedu ku koobnaa gudaha Somaliland oo kaliya.
Macluumaadkan oo lagu sheegay in laga qaaday gobolada Awdal, waqooyi-galbeed Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa lagu sheegay in tirada shacabka Somaliland tahay 3, 508, 180, tiro gebi ahaanba lagu marin-habaabinayo xaqiiqada shacabka dalka.
eeeSahamintan oo sannadkii 2013-04 laga qaaday deegaamo ka tirsan Somaliland oo shaqaalaha wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland fuliyeen, ayey hore madaxda wasaaradaasi u xaqiijiyeen inaan lagu wareejin karin xukuumada Soomaaliya, sidaana isku ogyihiin madaxda hay’adda UNFPA.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo wargeyska Himilo wax uga weydiiyey dhowr bilood horteed warar sheegayey in hay’adda UNFPA ugu wareejinayso xog laga uruuriyey dalka xukuumada Somaliland ayaa u sheegay inaanay suurtagal ahayn, kana haystaan balanqaad madaxda hay’adaasi inay ku soo wareejiyaan xogtaa xukuumada Somaliland. “Xogtaa waxa iska leh Somaliland, mana suurtowdo in lagu wareejiyo xukuumada Soomaaliya, sidaana waxaan isku ognahay madaxda UNFPA.”
Uruurinta xogtan oo bilowgiiba ahayd talaabo khaldan in wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland ogolaato, maadama lagu saleeyey shan gobol oo dalka ah keliya, ayaa dhinaca kale ku wareejinteeda xukuumada Soomaaliya looga fadhiyaa madaxda wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland inay talaabada ku haboon ka qaadaan hay’adaha qeybta ka ah khiyaamdan qaran, isla markaana shacabka Somaliland u soo bandhigaan ujeedada ay u ogolaadeen in dalka laga sameeyo sahamin khaldan.
Natiijada Sahankan la sheegay in laga qaaday 18 kii gobo lee dalkii la odhan jiray Soomaaliya laga qaaday 2013-2014, iisla markaana aan meel keliya lagaga tilmaamin magaca Somaliland marka laga reebo gobolada Awdal, waqooyi-galbeed, Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa lagu sheegay in qiyaasta dadka Soomaaliyeed in ay yihiin 12.3 Milyan oo 51 % ay yihiin rag halka dhalinyaro da’doodu ka hoosayso 35 sano ay yihiin 75 % tiradda dadka dalka gudahiisa ku barkacay waxaa lagu sheegay 9 %, 26 % waa reer miyi waxaa xusid mudan in dadka qiyaasta la sameeyey aysan ku jirin Soomaalida ku nool dalka dibadiisa.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay goobtii lagu soo bandhigay tirakoobka la sheegay in Somaliland ku jirto ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in manta (shalay) la helo xogta tiradda umadda Soomaaliyeed, ayna sahlayso in 2016 la qabto doorashooyin.
“Waxaa la galay marxalad cusub 2016 xitaa hadii la yidhaahdo doorasho ayaa la gelayaaan Soomaaliya waxaa loo baahanyahay wax laga duulo, waxaan helay meel laga duuli karo”. waxaa sidaa yidhi Carte.
Dhinaca kale wargeyska Himilo oo shalay ilaa xalay isku deyey inuu wasiirka Qorsheynta Qaranka wax ka weydiiyo talaabada Hay’adda UNFPA ugu wareejisay macluumaad shacabka Somaliland la xidhiidhay xukuumada Soomaaliya ayaanay noo suurtoobin, maadama telefoonkiisa gacanta aan la qabanayn, isla markaan afariimo aan u dirnay aanu ka soo jawaabin.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment