
Qofka isa soo miidaamiyay ayaa qaraxa fuliyay xilligii Salaadda Jimcaha ee shalay. Waa markii ugu horreysay oo qarax lala eegto Masaajid ay leeyihiin Shiicadu oo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga, iyada oo ay isa sii tarayso xiisadda ballaadhan ee ka taagan gobalka, ee u dhaxaysa Suniyiinta iyo Shiicada Muslimka ah.
Sacuudiga ayaa hadda hoggaaminaya weerarro dhanka Cirka ah oo ka dhan ah fallaagada Shiicada Yemen ee Xuutiyiinta, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay taakuleyn ka helayaan dawladda Shiicada ee Iran. Ma jirto cid sheegatay weerarkan illaa iyo hadda, waloow Malleeshiyada Daacish ay soo sareen digniin ay ku sheegayaan in ay weerarayaan Shiicada ku sugan Sacuudiga.
Sacuudiga kuma cusbo weerarro argagaxiso, waxaanay ka guulaysteen mawjado weerarro bambaano oo dhacay sannad ka hor. Balse waxaa weerarkaas ku qaaday Al-Qaacida oo wadatay ujeeddooyin ka duwan kuwa Daacish. Weerarrada noocan oo kale ah ayaa aad ugu yar dalka Sacudi Carabiya, inkastoo waddanku uu xuduud dheer la wadaago Ciraaq iyo Yemen, labadaasi waddan oo ay haystaya dagganaanshiyo la’aan ballaadgan.
Qaraxa baaxadda leh ayaa dhacay intii lagu gudajiray tukashada salaadda Jimcaha ee masaajidka Imaam Cali oo ku yaal Qatif oo ah magaalo ku taal Xeebta Bari ee ay ku badan yihiin Boqortooyada Suniga ah. Wakaaladda wararka ee ay maamusho dawladda Sucuudigu, ayaa xaqiijisay in Qaraxu ku dhacay masaajidka ku yaala Qatif, waxaana ay sheegtay in faah faahinta dheeraadka ah ay dhawaan soo bixi doonto.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment