Ma jiro khasaare mood iyo nool oo ka dhashay Abaaraha la sheegay inay ka jiraan deegaannadaas, balse Maayarka magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi sheegay inay biyo-la’aan baahsani ka jirto deegaamo ka tirsan degmada Gabiley, kuwaas oo uu kormeer uu xaaladda ka jirta ugu kuur-galayo ku maray shalay.

Roobabkii la filayay xilliga Gu’ga oo baaqday awgeed, ayaa lagu sababeeyey inay ka sii dareen xaaladda nololeed ee xoolo-dhaqatada oo markii horeba la il-darnaa roob-la’aan daba-dheeraaday, sida ay sheegeen odayaasha iyo wax-garadka deegaannada uu maayarka Gabiley Kormeerka ku maray.
Maayarka Magaalada Gabiley oo saxaafadda uga warramay natiijada socdaalka isaga iyo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ku mareen 12 tuulo oo hoos-yimaadda degmada Gabiley, waxa uu ballan-qaaday inay dowlad-hoose ahaan ugu horeynayaan gurmad biyo-dhaamis ah. “Waxaanu soo marnay Labiyo toban tuulo oo ka mid ah degmada Gabiley. Deegaannadaas waxa ka jira abaar aad u baahsan oo dadku ay biyo iyo baadba aanay haysan. Bani’aadam ahaan baahideenna ma kafayn karno oo Illaahay gacantiisa ayuunbaa lagu dhargaa, dowlad-hoose ahaan wixii aanu u qaban karno waanu u qabanaynaa si dhakhso ah oo ay ugu horeyso biyo-dhaamin,” Sidaas ayuu yidhi Maayarka degmada Gabiley.
Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo aanay ahayn markii u horeysay ee sannadkan gudihiisa qaylo-dhaan abaareed laga soo sheego deegaamo ka tirsan gobollada Galbeedka dalka, gaar ahaan Gabiley iyo Boorama, haddana saamaynta abaartani ku yeelatay dadka iyo Xoolaha, ayaa baaxadeedda laga dareemi karaa inay dadka reer Guuraaga ahi ka hayaamaan deegaamadooda isla markaan ay biyo iyo baad uga raadiyaan xoolahooda deegaanno ka tallowsan Xuduudka dalka Itoobiya.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment