Muqdisho, 24 May, 2015 (Himilo)- Kooxo hubeysan, ayaa gudaha magaalada Muqdisho ku weeraray Gaadhi ay la socdeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo midna dilay midna dhaawacay laba Mudane oo kala ah Cabdalla Boos Axmed iyo Yuusuf Maxamed Dirir iyo weliba Darawalkii Gaadhiga u waday Masuuliyiinta la dhaawacay.
Xildibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo ka mid ah labada Mudane, ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo weerarkaas ka soo gaadhay, halka Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed uu dhaawiciisa lagu sheegay mid fudud, waxaana dhaawacyada labada Mudane loola cararay Cusbitaal ku yaalla Muqdisho.
Ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya, ayaa iska-horimaad muddo kooban socday la galay kooxaha hubeysan oo la sheegay inay baxsadeen, iyadoo rasaasta labada dhinac laga maqalayay deegaannada ku dhaw Waddada Maka Al-Mukarama ee Caasimadda Muqdisho oo uu ka dhacay weerarku.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dableyda weerarkan geystay ay wateen Gaadhi leh Astaanta Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambulance-yada loo yaqaanno. Iyadoo Ciidanka dawladdu aanay u suurogelin inay qabtaan. Weerarkaas, ayaa Mudanayaasha lagula beegsaday Isgoyska Dabka ee Muqdisho, ka dib markii ay xilligaas ka soo baxeen kulan uu lahaa Baarlmaaanka Federaalka Soomaaliya.
Ma jirto illaa hadda cid sheegatay Weerarka lala beegsaday Xildhibaannada la dhaawacay, balse weerarrada argaggixiso ee sidan oo kale loola eegto Masuuliyiinta dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa inta badan Masuuliyaddooda sheegata Kooxda Al-Shabaab oo marar badan ku hanjabtay inay ugaadhsan doonaan oo ay hal hal iyo koox kooxba u dili doonaan Xildhibaannada Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada Xukuumadda iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda Soomaaliya.
Dhanka kale, laba Ruux oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya, ayaa iyagana shalay subax lagu dilay degmada Wada-jir ee gobolka Banaadir, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab. Sidoo kale, Koox hubaysan oo Al-Shabaab ka tirsan, ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ah Caasimadda Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya laba qof oo midkood Malaaq yahay (Madax-dhaqameed).
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment