Tuesday, May 26, 2015

wajigii saddexaad ee Wadahadalka u socday Asxaabta Mucaaradka iyo Xukuumadda oo Burburay iyo mucaaradka oo baaq u diray shacbiga Somaliland

Hargeysa(Himilomedia)May-26-2015-wajiga saddexaad ee Wada hadalka u socday Asxaabta Mucaaradka iyo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday. Mucaaradka ayaa saxaafadda u sheegay in wada xaajoodku burburay, iyagoo baaq u diray beesha Caalamka, kana dalbaday in la soo kala dhex galo Xukumadda.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo kulanka ka soo baxay ayaa bulshada Caalamka iyo Shacbiga Somaliland ugu baaqay in la soo kala dhex galo Xukumadda iyo Mucaaradka kadib markii la isku mari waayay wada hadaladii u socday ee foolka foolka ahaa.

 

"Kulankaasi wuxuu ku dhamaaday natiijo la'aan, waxaanu diyaar u nahay cid kasta oo xal u haysa arrintan hadday yihiin saaxiibadii aanu ka nimid ee Kulmiye iyo Ucid iyo Xukumadda, hadday bulshada Somaliland tahay iyo hadday beesha caalamka tahayba cidii arrintaas gacan ka gaysanaysa diyaar baanu u nahay, waxaanu rajaynaynaa anagoo shacbiga u tudhayna in arrintaas si degdeg ah xal loogu helo insha Allah" ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

 

 

Dhinaca kale Masuuliyiinta Kulmiye iyo Ucid oo intaasi kadib kulanka ka soo baxay ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in wada hadalku sii socdo islamarkaana ay xukumadda ka dhur sugayaan. waxay ku doodeen inaanay isku ogayn in saxaafadda lala hadlo

 

Gogosha wada hadalka oo Xukumaddu fidisay ayaa labadii cisho ee hore ka qabsoomay Hotelka Ambassador, hase ahaatee kulankan ayay Xukumaddu u soo leexisay hotelka Maansoor, balse bacda qadadii ayaa Xubnaha wada hadalka ugu jira Mucaaradka iyo Xukumaddu u kaceen Guriga Madaxweyne xigeenka halkaasi oo galinkii dammbe oo dhan wada hadalku uga socday. Sababta loo tagay Guriga Madaxweyne xigeenka ayaa loo aanaynayaa in dhinaca xukumaddu ka madax gadayso ama ka gabanayso Saxaafadda oo Maansoor u tagtay soo tabinta warka.

 

 

Mucaaradka iyo Xukumadda ayaa isku mari waayay wakhtiga 22 bilood ah ee loo kordhiyay Xukumadda Siilaanyo iyo golaha wakiilada, iyadoo Xukumaddu ku adkaysanayso inuu yahay go’aan sharci ah oo guurtidu gaadhay, halka Mucaaradku ku dhagan yahay muddada halka sanno ah ee Komishanku hore u soo jeediyay.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment