Thursday, May 28, 2015

Wasaaradda Duulista oo shaacisay in Garoonka Hargeysa Diyaaraduhu ka Haadi karaan Habeenkii

Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka ee Somaliland, ayaa shaacisay inay ku guulaysatay in Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa uu yeesho Laydhka Suurto galinaya inay diyaaraduhu soo caga-dhigtaan kana duulaan xilliyada habeenkii.

Madaarka oo aan hore u lahayn laydhka sahlaya in diyaaraduhu habeenkii soo fadhiistaan, ayaa hadda loo sameeyay, waxaana habeen hore diyaaradi ka kacday, si loo tijaabiyo loona hubiyo kalsoonida lagu qabi karo laydhka oo lagu rakibay hareeraha Run-way-ga Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Agaasimaha Waaxda Duulista Eng. Saciid Mahadi ileeye (Saqiire) oo ka mid ahaa Masuuliyiin saarnaa Diyaaradda habeen hore garoonka ka kacday, ayaa warbaahinta la hadlay waxaanu yidhi, “Caawa (habeen hore) waxaanu tijaabinaynay Ladhkii cusubaa ee aanu ku xidhnay Dhabada diyaaradaha (Runway Lighting) ee diyaaraduhu ku soo degayeen habeenkkii Kuna duulayeen, Diyaaradii ugu horaysay ee aanu ku tijaabinaa A.N30 ayey ahayad, kiciddii si fiican ayey u kacday, soo-degistiina si fiican ayey u soo degtay oo ilaa todoba mayl oo magaalada dusheeda ah ayaanu ku soo wareegnay, markaa shan mayl markaanu u soo jirno ayaanu laydhka si fiican u aragnay markii hore si yar oo diciif ah ayaanu u aragnay oo waanu kordhin doonaa ujeeddayadu waxa ay ahayad in aanu ogaano halka ay wax ka arki karaan diyaaradahu tiina waanu helaynay, hawshaasna waanu ku guulaysanay,” ayuu yidhi Agaasime Saqiire.

Afhayeenka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee Somaliland, Saddam Maxamed Axmed oo masuuliyiintii la socotay diyaaradda duulimaadka tijaabada ah lagu sameeeyey ku wehelinayey, ayaa isna sheegay, “Laydhkan waxaanu ku xidhnay guud ahaan Run-wayga Madaarka Cigaal oo dhan 3.7KM, laydhkani waa mid tayadiisa ay ansixisay Hay’adda Duulimaadada ee ICAO, waa mid Solar ah oo cadceedda laga dhalinayo, tijaabadii aanu caawa (habeen hore) samaynayna waa mid lagu guulaystay, Wasaaradduna dhawaan ayey shaacin doontaa bilowga duulimaadyada habeenkii INSHA ALLAH,”ayuu yidhi Afhayeen Saddam.

 

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment