Saturday, May 30, 2015

Guddoomiyaha UCID oo raalli-gelin ka bixiyey Dhaliilo uu ka sheegay Madaarka Hargeysa

Hargeysa, 30 May, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa wasiirka Duulista iyo Hawada ka raalli-geliyey dhalliilo uu hore ugu jeediyey markii lagu gudo jiray samaynta wejigii hore ee dhabbadaha madaarka magaalada Hargeysa oo uu sheegay in horumar ballaadhan lagu sameeyey.

Eng Faysal Cali Waraabe oo ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo madaxweynaha Somaliland Khamiistii Xadhigga kaga jaray Afar mashruuc oo lagu soo gebo-gabeeyey dib-u-casriyey iyo ballaadhin lagu sameeyey Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, ayaa ka marag-kacay in waxweyn laga qabtay casriyeynta iyo Ammaanka Madaarka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadal ka jeediyey munaasibadda, waxa uu yidhi, “Adduunka waxaa ugu weyn waa ammaanka, amaankuna wuxuu ahaa wixii ay inagaga tagtay diyaaradda Ethiopia Airlines, isagana waa taa maanta la hagaajiyey, anigu waxaan ahaa dadkii dhaliili jiray Wasiirka Duulista markii la samaynayey dhabbihii hore (runway).”

Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Waxa aad tahay qof siyaasi ah oo haddii aan lagula qaybsan waxa soo baxa, waxaad ku shaqaynaysaa waxaa saa la yidhi iyo waxaasaa la yidhi, laakiin halkan waxaan ku aragnay in wasiirku (Maxamuud Xaashi) dhisay madaarkii, hawl badana qabtay, waanan ka raaligelinayaa dhaliishaydii hore, haddii uu warka saxda ah i siin lahaana taasi may dhacdeen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment