“Aniga oo ah hoggaamiyihii qarankan, si gaar ah waxaa i saaran ilaalinta iyo dhaqan-gelinta shuruucda iyo dastuurka dalka u yaalla”
“Waaxan dhinacayga idiin caddaynayaa in aan ka door-bidayo masiirka iyo maslaxadda guud ee ummaddan wax kasta oo gaar ah”
Hargeysa, 19 May, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inaanay xukuumaddiisu wax faro-gelin ah ku yeelan go’aankii Golaha Guurtidu muddo-xileedka ugu kordhiyey xukuumaddiisa, isla markaana aanu raalli ka ahayn dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka, balse waxa uu taageeray Go’aanka Guurtida oo uu ku tilmaamay qodob dastuuri ah oo ay waajib tahay in loo hoggaansamo.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku dooday inaanu ahayn hoggaamiye mayal adag oo ay ka suurtowdo inuu rabitaanka damiciisa siyaasadeed ku burburiye nabadda iyo xasiloonida dalkiisa, waxaanu tusaale u soo qaatay waxa uu ku tilmaamay shir-beeleedyo uu ka badbaadiyey Somaliland, kuwaas oo midkood yahay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2003-dii lagaga guulaystay Xisbiga Kulmiye.
Madaxweynaha oo dhacdooyin oo soo maray rabitaankiisii siyaasadeed wakhtigii uu mucaaradka ahaa ugu hoga-tusaaleeyeen Madaxda mucaaradka oo ay maalinta Arbaca Berri ee 20-ka bisha May u ballansan yihiin gogol wada-xaajood oo xukumadda iyo Mucaaradku ka yeelanayaan khilaaf siyaasadeed oo ka taagan muddo-kordhinta loo sameeyey, waxa uu ugu baaqay masuuliyiinta muxaafadka iyo mucaaradka ee kulankaas ka qayb-galaysa inay wax kasta ka horeysiin danta Qaranka.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay khudbad dhinacyo kala duwan ka hadlaysa ka jeediyey munaasibaddii xuska 18 May, waxa uu go’aanka Golaha Guurtidu muddo-xileedka ugu kordhisay Xukuumaddiisa iyo Wakiillada ku tilmaamay mid dastuuri ah, balse waxa uu ku baaqay in wixii khilaaf siyaasadeed ee jira lagu dhammeeyo wada-xaajood iyo isu-tanaasul, waxaanu si gaar ah farriin ku aaddan natiijada laga filayo gogasha wada-xaajood madaxweynuhu fidiyey u jeediyey siyaasiyiinta mucaaradka oo ugu baaqay inay Danta Qaranka ka horreysiiyaan danahooda siyaasadeed.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku dooday inaanay Xukuumaddiisu waxba ka hakran diyaarinta doorashooyinka iyo inay ku qabsoomaan wakhtigii loogu talo-galay, balse waxa uu masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka ku sheegay mid la-wada leeyahay oo dhinacyo badan ka dhaxaysa.
“Waxaan xoog badan saaray in doorashooyinku ay ku dhacaan xilligii loo asteeyay, mana jiro wax aannu hakranay, haba yaraatee, aniga iyo maamul-kaygu toona. Kuma faraxsani in ay doorashooyinku wakhtigoodii dib uga dhaceen, mana jecli hadda iyo hore toona turun-turooyinka ku yimaadda nidaamka dimuqraadiyadda. Waxaase dhacda, in marka lagu jiro hawlo adag ay soo bixi karto duruufo wax ka beddeli kara qorshayaashii aad qoon-daysatay.
Hawlaha doorashooyinku waa masuuliyad wadareed oo ay wadaagan dhinacyo badan, canaanta dib-u-dhacana waa mid la wada leeyahay. Waxaynu nahay qaran leh shuruuc iyo xeerar haga. Haddaba, marka ay xaaladan oo kale timaado, dastuurka qaranka ayaa qeexaya jidka loo maraayo. Guddida Doorashooyinka Qaranku waxaa ay iisoo gudbiyeen 20/April/2015 qoraal ay ku cadaynayaan in aanay doorashadii xiligeedii ku qaban karin. Aniga oo ka duulaya taladaa, waxaan u gudbiyay Golaha Guurtida oo u xil saaran, awood sharcina u leh qiimeeynta xaaladdan. Ma jiro wax faro-gelin ah oo aan ku lahaa go’aammada kasoo baxay Aqalka Guurtida, waana Hay’ad u madax bannaan xil gudashadeeda. Aniga oo ah Madaxweynihii Qaranka, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Mudanayaasha Golaha Wakiillada, maanu ahayn kuwa maanta iyagu arrintaas ka talinayay, ee waa na loo talinayay. Si kastaba ha ahaatee, waxaynu nahay dal iyo dawlad leh nidaam iyo kala dambayn. Muwaadiniin ahaan, waxaa inagu waajib ah in aynu u hogaansanno, isla markaana tixgelino shuruucda iyo xeerarka aynu dhiganay,” Sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo.
Md Siilaanyo waxa uu Madaxda Xisbiyada Mucaaradka uga mahad-celiyey inay Aqbalaan Gogosha wada-xaajood ee turxaan-bixinta khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay, waxaanu yidhi, “Aniga oo ah hogaamiyihii qarankan, si gaar ah waxaa i saaran ilaalinta iyo dhaqan-gelinta shuruucda iyo dastuurka dalka u yaalla. Sidaa darteed, go’aanka Golaha Guurtidu waa mid dastuuri ah, waxaanu ku baaqnay kulan turxaan bixin ah, oo aanu isugu nimaadno saddexda xisbi qaran. Dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso (muxaafid iyo mucaarid), waxaan u soo jeedinayaa in aynu khilaafkeena ku dhamaysanno wada hadal, wada tashi iyo walaaltinimo. Waan soo dhawaynayaa, waanan uga mahadnaqayaa Madaxda Xisbiyada mucaaridku aqbalka ay kaga jawaabeen marti-qaadkaa. Waxaan ku kalsoonahay in aynu nahay bulsho bisil oo xaalad kasta oo ku timaadda kaga gudubta wada tashi, isu dul-qaadasho, is-qancin, midnimo iyo wada jir. Haddaba, waxaan kula dardaarmayaa masuuliyiinta qaranka ee madashan isugu imanaya in ay mar walba danta guud ee qarankan ka hor mariyaan wax kasta, isla markaana ay maanka ku hayaan ilaalinta qarannimada, dhawrista shuruucda, adkaynta nabadgelyada iyo midnimada umadda ay matalaan.
Waxaan dhinacayga idiin cadaynayaa in aan ka door-bidayo masiirka iyo maslaxadda guud ee ummaddan wax kasta oo gaar ah.”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan ahay Axmed-kii shalay 80-ka cod ee muranku ku jiro kaga tegay kursi madaxweynenimo, anigoo tixgelinaya maslaxadda dalka.
Xukun maroorsi iyo mansab jacayl layguma yaqaan, oo waxaan ahay hogaamiyihii ka badbaadiyay Somaliland laba shir beeleed 1996-kii oo lagu kala dooran lahaa madaxwayne, xilligaas oo ahaa mid aad u adag, Somalilandna intan ka jilicsanayd. Waxaan tudhaale awgeed u tanaasulayey aniga iyo xisbigayguba siddeed sannadood oo aanu mucaarid ahayn, waxaanan aqbalay saddex muddo kordhineed oo sanka isku haya.”
“Caado iyo curfi toona uma lihi in aan damac kursi-doon dalkayga u dumiyo. Xaasha, maanta aniga oo cimrigaa joogana, la iiga biqi maayo in aan dibin daabyeeyo dalkan iyo dadkan dumadayda saaran. Sabirka iyo dulqaadku ma’aha doqoniimo, balse, waxaan u aqaan sahayda siyaasiga suuban.
Marlabaad, ragga uu hungurigu ka hayo in ay dalkan madax ka noqdaan, waxaan leeyahay: waar damiicina ku dara tudhaale iyo lexo jeclo, oo waa la doogiye yaanla dacaroon.” Sidaas ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Siilaanyo.
Himilomedia.com
Hargeya-somaliland
No comments:
Post a Comment