Hargeysa (Himilo)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod gacan taag ah oo ay u qaadeen ku diiday mooshin ku aadan wax ka bedelka iyo kaabista xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalka.
Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo fadhigan shirgudoominayey ayaa mudanayaasha ku wargeliyey in golaha ay hor yaalaan laba mooshin oo kala ah xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka iyo mooshin ku saabsan sicir bararka iyo sarrifka doolarka.
Fadhigan oo mudanayaal door ahi ka soo qayb galeen ayaa ugu horreyn waxa la gudo galay mooshinka ku saabsan is-maamulka gobollada iyo degmooyinka ee xeer No: 23, kaasoo hore mudaneyaasha loogu soo gudbiyay, ka dibna uu shirguddoonku u gudbiyay la-taliyaha dhinaca sharciga ee golaha wakiillada isaga oo eegayay inuu waafaqsan yahay xeer-hoosaadka golaha wakiillada iyo dastuurka dalka, isla markaana dib uu ugu soo celiyay golaha, waxaanay mudaneyaasha goluhu cod gacan taag ah u qaadeen xeerka is-maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo iyo sidiisii hore loo daayo, waxaanay aqlabiyadda goluhu isku raacday inaan wax ka bedel iyo kaabis midna aan lagu samayn xeerkaasi.
Guddoomiyaha oo natiijada cod-bixinta ku dhawaaqayaana waxa uu yidhi. “Mooshinka mudaneyaasha ogolaaday in kaabista iyo wax ka bedelka la ansixiyaa waa 21 mudane, mudaneyaasha diiday kaabista iyo wax ka bedelka mooshinku waa 25 mudane, waxa ka aamusay 6 mudane, guddoomiyuhu muu codayn, wax ka bedelkii iyo kaabista xeer No: 23 muu ansixin.”
Dhinaca kale, waxa golaha la horkeenay mooshin ku saabsan sicir bararka sarifka lacagaha, kaasoo uu mudaneyaasha ka hor akhriyay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment