
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sool Cabdiraxmaan Nuur Col-haye oo ka hadlay arrintan, waxa uu digniin u jeediyey waalidiinta dhalinyarada rabshadaha sameeya oo uu ugu baaqay inay xakameeyaan ubadkooda, isaga oo sheegay in ciidamada Ammaanku bilaabi doonaan hawl-gallo ay qab-qabanayaan dhalinyarada caadaysatay rabshada iyo falalka waxyeellaynaya ammaanka. Waxa uu taliyaha baaq u diray Culimada iyo Wax-garadka gobolka sidii ay uga hawl-gali lahaayeen isla markana ciidamada ammaanka ugala shaqayn lahaayeen ilaalinta nabadgelyada.
“Marka hore waxaanu farriin u diraynaa waalidiinta oo aanu leenahay carruurtiina ilaashada. Marka labaad, waxaanu haynaa liiska magacyada dadka dhibaatada wada oo saddexan,” Sidaas ayuu yidhi taliyaha Qaybta booliska gobolka Sool. “Waxaan halkan baaq uga dirayaa wax-garadka, culimada, waalidiinta iyo cid kasta oo xiisaynaysa nabad-gelyada gobolka Sool in si wada-jir ah looga hortago dhibaatada ay carruurtu waddo, ciidanka Ammaankuna waxay ku amran yihiin cid kasta oo amni-darro wadda inay soo qabtaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment