Wednesday, May 20, 2015

Maxay Xukuumaddu ka tidhi in Go’aankii Muddo-kordhintu Mad-madow Galiyey Kalsoonida Beesha Caalamka?

“Beesha Caalamku qayb kamay ahayn Meeshan Somaliland ay maanta gaadhay”

Hargeysa, 20 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay tan iyo wixii ka dambeeyey go’aankii golaha Guurtidu muddo-xileedka ugu kordhiyeen ka hadashay isbeddel la sheegay inuu ku yimi xidhiidhkii iyo wada-shaqayntii u dhaxaysay Beesha Caalamka oo saluug ka muujisay dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka Somaliland, isla markaana ku baaqay in go’aanka muddo-kordhinta laga noqdo haddii ay arrintaas saamayn ku yeelanayso xidhiidhak wada-shaqayneed ee Somaliland iyo Beesha Caalamka.
Go’aanka Golaha Guurtidu horaantii bishan ugu kordhiyeen xukuumadda iyo Golaha Wakiillada muddo 21 bilood ah, ayaa khilaaf siyaasadeed ka dhex abuuray Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, waxaana maalmihii u dambeeyey soo baxayey warar aan la xaqiijin oo sheegayey in go’aanka muddo-kordhintu saamayn ku yeeshay xidhiidhka beesha Caalamku la leedahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
maxamedWasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo madaarka magaalada Hargeysa ugu warramay telefishanka madaxa-bannaan ee Star TV, waxa uu sheegay inaanay waxba iska beddelin wada-shaqayntii u dhaxaysay beesha Caalamka.
“Warkaas waxba kama jiraan. Beesha Caalamku si caadi ah ayay noola shaqaysaa, wada-hadallaa noo dhexeeya, wax is-weydiinbaa naga dhaxaysa. Beesha Caalamku waxay qaddarisaa Somaliland iyo shacbigeeda nabadda iyo xasiloonnida ay gaadheen.
Beesha Caalamku qayb kamay ahayn Meeshan Somaliland ay maanta gaadhay, nabaddeena, wada-hadalkeenna iyo sidaynu danaheenna u dhammaysanaa, waa dano ay leeyihiin reer Somaliland.
Markaa, warkan laysla dhexmarayo ee ah beesha Caalamka iyo Somaliland is-haysta, wax ka jiraa ma jiraan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis oo arrintan wax laga weydiiyey.
Wasiir Maxamed Biixi mar wax laga weydiiyey hadallo ku jiray Khudbaddii madaxweynaha Somaliland ka jeediyey munaasibaddii Xuska 18 May oo uu ku xusay Md Siilaanyo waddamo ka tirsan beesha caalamka ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada kala shaqeeya Somaliland oo warar aan xogogaal ahayn looga gudbiyey oo dhawaaqyo cadaadis ku keenay xukuumaddiisu ka soo yeedheen, waxa uu ku jawaabay, “Dal aanu ka cabanaynaa ma jiro, caalamka oo dhan saaxiib ayaanu nahay, dad aanu dhib ku haynaana ma jiraan. Beesha Caalamka iyo dowladahaasba waanu la shaqaynaa oo xidhiidh baa naga dhexeeya,” sidaas ayuu yidhi Md Maxamed Biixi.
Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu beeniyey inuu jiro qorshe xukuumaddu ku dabacsan tahay sidii ay dalka uga saari lahayd hay’ado Caalami ah oo lagu eedeyey inay ku kaceen faro-gelin siyaasadeed oo ka baxsan hawlaha gar-gaarka ah ee ay u xil-saaran yihiin, sida uu Isniintii dorraad warbaahinta u sheegay la-taliyaha madaxweynaha ee xidhiidhka hay’adaha Caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed oo sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya hay’adaha qaarkood oo si toos ah u soo faro-geliyey siyaasadda Somaliland. “Wax hay’ado ah oo la eryey ma jirto, hay’ado la eryayaana wakhtigan xaadirka ah ma jiraan,” Sidaas ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirku waxa uu sheegay inuu socdaal ku tagayo waddamo dhowr oo qaaradda Afrika tirsan oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya iyo Ivory Coast, isla markaana uu la kulmi doono masuuliyiinta waddamadaas, haseyeeshee ma sheegin wasiirku ujeeddada ay xambaarsna yihiin kulamada uu la qaadan doono masuuliyiintaas iyo waxa ay daarran yihiin.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment