Saylac, 21 May, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Md Axmed Cabdi Kaahin, ayaa dhagax-dhigay Xabsigii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo magaalada Saylac ee Xarunta gobolka Selal oo aan hore u lahayn goobo lagu xidho maxaaabiista, iyada oo wakhtigan dadka dambiyada geysta loo soo gudbiyo Xabsiyo ku yaala magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Md Axmed Cabdi Kaahin oo markii uu dhigay dhismaha kaddib Saxaafadda la hadlay, ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyin xabsi-la’aanta magaaladu ku hayso maamulka degmada Saylac iyo Ciidamada Ammaanka, isaga oo sheegay in mararka qaar ay kallifto in la iska sii daayo dadka dambiyada geysta ee laga soo qab-qabto deegaannada gobolka Selal.
“Booliisku markuu soo qabto ee uu wax ka qoro, maxbuuskii suuqiisa ayuu iska galayaa, wuxuu odhanayaa nool ma hayo, meel aan seexdo ma hayo. Sidaasaa lagu sii daayaa Maxaabiista, xataa dambiilayaasha khatarta ah, taasna waxa keentay Xabsi la’aan,” ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu, waxaanu si gaar ah ugu mahad-celiyey dowladda Hoose ee magaalada Saylac oo bilowday dhagax-dhigga Xabsiga.
Badhasaabka Gobolka Selal Cabdirisaaq Waaber Rooble oo isaguna ka hadlay goobta ay masuuliyiintu ku dhagax-dhigeen Xabsigii ugu horeeyey ee magaalada Saylac yeelato, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilanayo oo Wasiirka Ciyaaruhu ugu horreeyo ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhammaystirka dhismaha Xabsiga Dhexe ee Saylac.
Maayarka magaalada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle, ayaa tilmaamay baahiyaha kallifay inay dowlad hoose ahaan dedaal ugu galaan bilowga Xabsiga Dhexe ee magaalada oo uu sheegay inay dhibaatadeeddu culays dheeraad ah ku tahay dowladda hoose, waxa uu sheegay in dadka ay maxkamaduhu xukumaan loo qaado magaalooyinka Boorama ama Hargeysa, taasina ay maamulka degmada Saylac ku kallifto inay dusha u ritaan kharashka gaadiidka lagu soo qaado maxaabiista.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment