Tuesday, May 19, 2015

Ku-Dhawaaqistii la Soo Noqoshada Somaliland ee 1991-kii

Muddadii u dhaxaysay 1981-kii ilaa 1991-kii oo ah 10 sanno waxay shacabka Somaliland ugu suntan tahay 10 sanno oo dib u xorayn ah. Wixii ka dambeeyey 10-kaa sanno dawladihii isaga kala dambeeyey Somaliland waxay ku mashquulsanaayeen barnmaamijyo kala duwan oo ahmiyado kala duwan leh sida: hub-ka-dhigis, Nabadayn, maamul fidin, xeerar samayn, ictiraaf raadin, doorasho madaxbannaana qabasho iyo garsoorka oo dib loo dhiso.
Shirkii Burco.
Shirkaasi wuxuu bilaabmay goor casar ah, xaafada shacabka ee Burco. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii S.N.M waxa guddoominayey, guddoomiye ku xigeenkii S.N.M Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Somaliland ee Taliskii Max’ed Siyaad hubka isugu dhiibay. Halkan waxaynu isugu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (Somaliland) isku turxaan bixiyaan. Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir beeleedkii Buro ayuu golihii dhexe ee S.N.M ku dhawaaqay in Somaliland tahay Qaran madaxbannaan 18/5/1991.

Muddo yar ka dib waxa la dhisay dawladii ugu horraysay ee Somaliland yeelato. Dawladaasi waxa ragaadiyey khilaafaadkii jabhadii S.N.M oo toban sanno huursanaa, hawlihii loo xilsaaray way gudan kari waayeen, markii dagaallo hoose ka dhex-qarxeen. Golohoodii wakiiladanu waxa u qabsoomi waayey shirkii, ka dib markii Prof. Ibraahin Maygaag Samatar oo guddoomiyaha ahaa ayaa isugu yeedhay dhawr jeer.
Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku.
17-ka Qof ee Saxeexay Gooni-Isu-Taaga:
Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
Suldaan Ismaaciil Muuse
Suldaan Rashiid Suldaan Cali
Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
Axmed Sheekh Saalax
Sheekh Daahir Xaaji Xasan
Axmed Xirsi Cawl
Suldaan Maxamed Jaamac
Xasan Cumar Samatar
Maxamed Warsame Shiil
Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo
Suldaan Cali Muuse iyo
Xaaji Aadan Axmed Diiriye(Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi.
Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kadib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.
Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa:

1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In muddadaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.

Dhismihii Xukuumadii ugu Horreysay ee 1991-kii
Magaca Xilka
= C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur)............................................Madaxweynaha Somaliland
= Xasan Ciise Jaamac.................................................Madaxweyne Ku-Xigeeka Somaliland
=Saleebaan Maxamuud Adan .....................................................Wasiirka Arrimaha Gudaha
= Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh.Madar....................................................Wasiirka Arrimaha Dibada
= Ismaciil Hurre Buubaa.................................................................Wasiirka Maaliyada
= Max’ed Kaahin Axmed..................................................................Wasiirka Gaashaandhiga
= Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.....................................................Wasiirka Waxbarashada
= Axmed Ismaaciil Duqsi.............................................................Wasiirka Cadaalada
= Cumar Ciise Cawaale...........................................................Wasiirka Badda Iyo Gaadiidka
= Cismaan Aadan Dool..........................................................................Wasiirka Warfaafinta
= Abiib Diiriye Nuur (Timacad).........................................................Wasiirka Caafimaadka
= Siciid Max’ed Nuur (Ilkamale)..........................................................Wasiirka Beeraha
=Maxamuud Cabi Cali (Bayr)..........................................................Wasiirka Kalluumaysiga
= Max’ed Cali Caateeye..........................................................Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha
= Jaamac Rabiile Good......................................................................Wasiirka Qorshaynta
= Daahir Max’ed Yuusuf.............................................Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha
= Mahdi Cabdi Dhegoyare............................................................Wasiirka Hawlaha Guud
= Yuusuf Max’ed Cali......................................................................Wasiirka Madaxtooyada
= Yaasiin Max’ed.......................................................................Wasiirka Xanaanada Xoolaha
= Xasan Aadan Waddaadiid.................................................................Wasiika Dib-U-Dejinta
Wasiir Ku-Xigeenada
= Axmed Jaambiir Suldaan..................................................Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha
= Aadan Saxar..............................................................................Ku-Xigeenka Maaliyada
= Aadan Ruush.............................................................................Ku-Xigeenka Ganacsiga
= Daahir Sheekh..........................................................................Ku-Xigeenka Gaashandhiga
F.G: liiskan magacyadu waa kuwii ugu horreeyey ee la soo saaray, waxa jiray wasiiro la bedelay markii dambe, oo magacoodu halkan aanu ku jirin.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Meerisyada Taariikhda………….Cali Dool Axmed (Qoryoolay)
Dhaxal Reeb. Horaad……………………Boobe Yuusuf Ducaale
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment