
Ku dhawaad 500,000 oo Yuhuud ah ayaa ku nool in kabadan boqol deegaan oo laga dhisay tan iyo markii ay Israa'iil qabsatay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus dagaalkii ay kaga guulaysatay waddamada Carabta. Shuruucda caalamiga ah, ayaa dhigaya inaanay sharci ahayn deegaamadaasi.
Qorshahan oo dowladda Israa’iil loo gudbiyey, ayaa lagu sheegay inaanay si toos ah uga mamnuucayn Falastiiniyiinta in ay raacaan basaska Yuhuudda u qaada degmooyinka dhulka Falastininta looga dhisay ee Daanta galbeed, waxase lagu sheegay in Falastinintu ay galinka dambe oo kali ah raaci karaan basaska Daanta Galbeed, arrintaas oo loo arkay mid kala-qoqob iyo cunsuriyad ku dhex abuurta wada-noolaanshaha Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta oo marka horeba aan nabad ku wada-joogin.
Dowladda Israa’iil oo ka cabsi qabta in arrintani kacdoonno hore leh ka dhex-abuurto, ayaa is-hortaagtay isla markaana joojisay qorshaha ay u soo gudbiyeen kooxo Mayal adag oo u dhaq-dhaqaaqa Yuhuudda ku dhaqan Dhulka Daanta Galbeed ee xoogga lagu haysto.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment