Wednesday, May 27, 2015

Shir-nabadeed in badan loo dhag-taagayay oo Beelaha Bariga Burco iyo Buuhoodle uga furmay deegaanka Coodanle

Coodanle, 27 May, 2015 (Himilo)- Shir-nabadeed muddooyinkii u dambeeyey qaban-qaabadiisu socotay, ayaa deegaanka Coodanle ee gobolka Togdheer uga furamaya Beelaha Bariga Burco iyo Buuhoodle oo tiraba dhowr jeer dagaallo sokeeye ku dhexmareen deegaannada u dhexeeya labada Beelood.
Shir-nabadeedka oo gogishiisa ay fidisay beesha Bariga Burco, waxa ka qayb-galay ergooyin tiro-badan oo isugu jira Garaaddada, Salaadiinta, Cuqaasha, Odayaasha iyo wax-garadka labada beeloood, kuwaas oo dhammaantood iska xaadiray goobta shirku ka dhacayo, iyadoo ergada beesha Buuhoodle shalay soo gaadhay deegaanka shirku maanta ka furmayo ee Coodanle oo ka tirsan degmada Balidhiig ee gobolka Togdheer, gaar ahaan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Ergada shirka uga qayb-gashay Beelaha Buuhoodle oo tiradooda lagu sheegay inay gaadhaan 120 xubnood, waxa hoggaaminaya Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, halka dhinaca Beesha Bariga Burco uu ka hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali.
Guddiga Qaban-qaabada shirka ee Beesha Bariga Burco oo weftiga Buuhoodle ku soo dhaweeyey deegaanka Salaasadii todobaadkan maalin ka hor furitaanka shirka, ayaa sheegay in shir-nabadeedku u dhexeeyo labada beelood oo kaliya oo iyagu ka tashanaya sidii ay nabad waarta uga dhalin lahaayeen deegaannadooda, waxaanay sheegeen inaanay oggolayn maamul soo faro-galiya shirkooda.
Sidoo kale, wax-garadka beesha Buuhoodle, ayaa sheegay in shir-nabadeedku ka madax-bannaan yahay wax siyaasad ah.
Shirka shalay ka furmay Deegaanka Coodanle waxa gogiisha fidiyey Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo dabayaaqada sannadkii 2011 ku dhawaaqay shir-nabadeed lagu soo af-jaro colaado daba-dheeraaday oo u dhexeeya labada beelood, haseyeeshee shirkaas ayaa dib u dhac ku yimi tiradaba dhowr jeer oo loo ballamay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

 

No comments:

Post a Comment