Diinsoor, 27 May, 2015 (Himilo)- Al-Shabaab, ayaa degmada Diinsoor ee gobolka Bay ee Soomaaliya ku toogtay Afar dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen Jaajuusiin (Basaasiin) u shaqeynayay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Garsooraha Maxkamadda Al-Shabaab, ayaa fagaaraha uu xukunkan ka dhacayey ka sheegay in xukunka Isniintii ay ku rideen Raggan uu yahay mid ay u cuskadeen Diinta Islaamka iyo in iyagu ay afkooda ka qirteen inay Basaasiin ahaayeen.
Dhalinyarada xukunka dilka ah ay ku fulisay Al-shabaab, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cali Muuse Cali oo 26-jir ahaa iyo Xasan Cadaawe Maxamed oo 24-jir ahaa, ayaa lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen dawladda Soomaaliya iyo Cukaash Cali Xaaji oo 39-jir ahaa iyo Maxamed Nuur Cali (Sooyaal) oo 40-jir ahaa, ayaa iyagana lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen Sirdoonka Kenya.
Wararka qaarkood, ayaa sheegaya in Raggan qaar ka mid ah ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, waxaana hore Al-Shabaab xukunno ay xukunno dil ah ugu fuliyeen Rag ka tirsanaa oo ay ku eedeeyeen inay hagi jireen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.
Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay goobta uu dilku ka dhacay, ayaa dadka uga digay inay la shaqeeyaan Jawaasiista dalalka deriska ah iyo kuwa Soomaaliya, ciddii ay ku helaan falalkaas oo kalena ay toogan doonaan.
“Jawaasiistan aan dilnay waxay ka mid ahaayeen cadawga Mulismiinta, waxaana ay tani indhaha ka ridaysaa dalalkii adeegsanayey oo ah kuwo cadaw ku ah Islaamka.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal u hadlay Kooxda Al-Shabaab.
Goob-joogayaal ku sugnaa Fagaaraha ay toogashadu ka dhacay, ayaa Warbaahinta qaarkeed u sheegay in Raggan afarta ah ay toogteen dhallinyaro ka tirsan Al-Shabaab oo maryo ku xidhay Wejiyada, iyagoo ka toogtay qaybaha sare ee jidhka.
Maaha markii ugu horreysay ee ay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta gudaha dalka Soomaalilya iyo dalka la deriska ah ee Kenya ay toogasho ku disho dad ay ku eedeysay inay yihiin Jawaasiis u adeegayey waddamada ay inta badan u sheegaan inay yihiin cadawgooda.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment