Tuesday, May 26, 2015

Xukuumadda oo Dhawaaqyada Beesha Caalamka ku xidhiidhisay Dano- laga leeyahay Doorashooyinka Somaliland iyo Soomaaliya oo Isku-Wakhti Qabsooma

Hargeysa, 26 May, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in sababta Wakiilka Qarramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu u danaynayo doorashooyinka Somaliland ay tahay inuu aaminsan yahay in haddii doorashadda Somaliland dib u dhacdo in doorashooyinka ay Soomaaliya loo qorsheeyey inay ka qabsoonto sannadka 2016-ka ay iyaduna dib u dhici doonto.

Wakiillo ka socda beesha Caalamka iyo Nicholas Kay oo metalaya Qaramada Midoobay, ayaa ka soo horjeestay isla markaana ku baaqay in laga noqday muddo-kordhin 22 bilood ah oo Golaha Guurtidu qalinka ugu duugeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada, iyagoo sheegay in go’aankaasi saamayn ku yeelan doono xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ma caddeyn ujeeddada ka dambaysa ee Nicholas Kay ka damacsan yahay inay isku wakhti qabsoomaan Doorashooyinka Somaliland oo dib uga dhacday badhtamaha sannadka soo socda oo guddiga doorashooyinku u muddeeyeen, haseyeeshee waxa uu sheegay in xogo ay xukuumad ahaan ka heleen dano uu ka leeyahay doorashooyinka Somaliland tilmaamayaan inuu aaminsan yahay inaanay u qabsoomayn doorashooyin Qaramada Midoobay iyo beesha caalamku u qorshaysay inay Soomaaliya ka qabsoomaan sannadka soo socda.

“Ra’yiga ka soo horjeestay ee faro-gelinta faraha badan isku dayay inuu sameeyo waxa ka mid ah qaar ka mid ah Wakiillada dalalka Somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo Ergayga Somaliland iyo Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midooday Nicholas Key. Xogta rasmiga ah ee aanu hayno, Nicholas Kay, sababta uu ugu soo maqiiqan yahay ama ugu dhagsan yahay ee uu sida xoogga ah ugu danaynayo inuu doorashada Somaliland ka hadlo dib-u-dhaceeda iyo soo-horumarinteeda, waxa ay tahay, waxa la ogyahay inay gacanta ku hayaan Soomaaliya oo ay ka hawl-galaan waxay ku sheegaan doorasho dhacaysa sannadka 2016-ka. Ergaygaasi wuxuu aaminsan yahay in haddii doorashada Somaliland wakhtigaas ay guurtidu Somaliland samaysay ay noqoto ama dib-u-dhaca intaas le’eg ku yimaaddo, inay iyaduna dib-u-dhacayso doorashadii ay ku talo-galeen ee Soomaaliya,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii watay, waxa uu sheegay inaanay Somaliland ka maarmin xidhiidhka beesha Caalamka, balse habboonayn in loo dhego-nuglaado hadallada ka soo yeedha Shakhsiyaadka, “Mr Key waxaan leeyahay annaga doorashada Soomaaliya wax na khuseeya maaha, labada doorasho wax iska khuseeya ama isa saari kara oo aanu ognahay ma jiraan. Waxan ka xumahay inay qaarkeen udhego-nuglaadaan iyagoo moodaya inay wax innaga xumaanayaan.

Dunida kama maaranno, waynu u baahannahay laakiin, ninka doonaya inuu inagu khasbo waxaan dalkeenna dani ugujirin, wax inoo diidayaa ma jiraan inaanu nidhaahno dalkaas doorashadiisu nama khuseyso,” Sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafintu oo waxa uu ka hadlay go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhintu ugu sameeyeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada oo uu difaacay sharcinimadiisa.

 

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment