Saturday, May 30, 2015

Madaxweynaha Jabuuti oo Martigeliyey qoyska Madaxweynihii hore ee Yemen

Jabuuti, 30 May, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa la sheegay inuu magangelyo siiyey qoyska madaxweynihii hore dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo gaadhay caasimada dalkaas.

Qoyska Cali Cabdalla SalaxSagaal xubnood oo ka tirsan qoyska madaxweynahii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax ayaa la sheegay in xilligan hoy laga siiyey qasriga madaxtooyada jabuuti, sida lagu baahiyey wakaalada wararka Indian Ocean Newsletter.

Madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalle Saalix, ayaa lagu eedeeyey inuu qayb ka yahay qalalaasaha ka socda dalka Yemen, iyada oo ciidamo ka tirsan Milatara dalkaas iyo malleeshiyaad isaga taabaxsan ay ka bar-bar dagaalamayaan xooggaga Xuutiyiinta oo la wareegtay inta badan gacan ku haynta dalka Yemen.

Dhinaca kale, diyaarad sidda mucaawino dalka Iran u soo dirtay, ayaa la sheegay inay shalay soo gaadhay dalka Jabuuti, taas oo marka baadhitaan lagu sameeyo kaddib loo qayb doono Qaxoontiga Yemen ee ku sugan dalka Jabuuti.

Diyaaraddan ayaa todobaadkii hore laga celiyey dalka Jabuuti, kaddib markii sida la sheegay dalka Sucuudiga oo hoggaaminaya xulafada duqeynta ka wadda dalka Yemen, isla markaana xurguf siyaasadeed ka dhaxayso dalka Iiraan, uu culays ku saaray dowladda Jabuuti inay oggolaato diyaaradda oo markii dambe dib ugu noqotay dalka Iran.

Haseyeeshee, madaxa bisha Cas ee dalka Iran Sarem Rezaie, ayaa sheegay in dowladda Jabuuti oggolaatay in diyaaraddu ka soo degto madaarkooda, “Diyaaradu waxay soo gaadhay Jabuuti shalay si nabad ah,” Sidaa ayuu yidhi Sarem Rezaie oo u warramayey wakaaladda ee Iran.

“Mucaawinada waxa lagu wareejin doona hay’adda Cuntada Adduunka WFP, oo siin doonta hay’adda Bisha Cas ee Yemen si ay ugu qeybiyaan qaxootiga jooga Jabuuti.”

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment