Thursday, May 21, 2015

Kuuriyada Waqooyi oo joojisay Booqasho uu Ban Ki-moon ku tegi lahaa Deegaanka Wershadaha ee Millateriga ka caaggan

Seoul, 21 May, 2015 (Himilo)- Dawladda Waqooyiga Kuuriya, ayaa si deg-deg ah u baajisay Booqasho uu waddankeeda ku tagi lahaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, hal maalin uun ka hor markii uu halkaasi gaadhi lahaa Khamiista Maanta.
BAN KI-MOONBan Ki-moon waxa uu booqan lahaa Xarunta Wershadaha ee Kaesong oo ah goob dhaqaale ay kawada hawl-galaan Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya. Ki-moon oo ka hadlaya magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Waqooyi, waxa uu sheegay in go'aankaasi dawladda Kuuriyada Waqooyi uu yahay mid aad looga xumaado, isla markaana aan wax faahfaahin ah laga bixinin.
Haddii uu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay booqdo Waqooyiga Kuuriya waxa uu noqon lahaa Xoghayihii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay ee booqda Waqooyiga Kuuriya muddo 20 sannadood ka badan. Xoghaye Ban kI-Moon waxa uu sheegay in uu doonayay in uu dardargeliyo dib-u-heshiisiinta Waqooyiga Kuuriya iyo Koonfurta Kuuriya.
Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Mr. Ban Ki-moon, ayey u qorshaysnayd inuu Khamiista Maanta booqdo Wershadda la yidhaahdo Park oo ku taalla deegaanka Millateriga ka caaggan ee dhulka kala qeybiya labada waddanka ee Koonfurta Kuuriya iyo Waqooyiga Kuuriya.
Markii uu shaaciyay booqashadaas Arbacadii shalay waxa uu sheegay in uu ku baaqi doono in Waqooyiga Kuuriya ay kala shaqayso Beesha caalamka gacanka Kuuriya iyo nabadda iyo xasilloonida, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Yonhap.
Xoghayihii ugu dambeeyey ee ka tirsan Madaxda Hay’addaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee booqda dalka Waqooyiga Kuuriya, ayaa ahaa Xoghayihii hore ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Buris Buris Qaali oo booqday sannadkii 1993-kii, xilligaasoo uu ka gudbay deegaanka Millateriga ka caaggan ee kala qeybiya labada Kuuriya.
Ma jiro illaa hadda wax faahfaahin ah oo ay dawladda Kuuriyada Waqooyi ka bixisay diidmada booqashada Ban Ki-moon ku tegi lahaa deegaankaas oo ay marka hore aqbaleen inuu booqdo marka ay dawladda dalkaasi u fidisay casuumadda uu waddankeeda ku joogo.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment