Wednesday, May 27, 2015

Tanaasul Shuruud ku xidhan oo Sababay in lagu kala kaco Wejiga 3aad ee Wada-xaajoodka Xukuumadda iyo Mucaaradka

Dalabkii Xisbul-xaakimka, Taageeradii UCID iyo Ka-dhextooskii Waddani

Hargeysa, 26 May, 2015 (Himilo)- Shirkii wada-hadallada ee u socday Mucaaradka iyo Xisbul-Xaakimka oo shalay laysugu yimi wejigiisii saddexaad, lana filayey in laga soo saaro natiijo xal loogu helo khilaaf ka dhashay go’aankii Golaha Guurtida, ayaa gebi ahaan natiijo la’aan ku dhammaaday, kaddib markii Xisbiga WADDANI mowqifkiisu ka duwanaaday Xisbiga UCID iyo Xisbul-Xaakimka oo isku waafaqay qodobbo markii laga dooday laysku af-gartay.
Kulanka natiijo la’aanta ku dhammaaday oo gelinkii hore ee shalay ka socday Hotel Maansoor, balse gelinkii dambe ee loo soo raray Aqalka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo dhinaca xukuumada u metalayey shirka isla s
Lama oga sababta kulanka looga soo raray Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, balse xogaha laga helay kulanka ayaa tibaaxay in xukuumadda oo mowqifkeedii hore ka soo dabacday ay danaynaysay in muddo maalmo ah laga sugo go’aankooda, maadama uu yahay go’aan ka soo baxay hay’ad sharci ah.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa la sheegay inuu ka dhex-kacay shir ay saddexda Xisbiga Qaran u fadhiyeen ilaa shalay gelinkii hore, kaddib markii uu ka biyo-diiday muddo laba maalmood ah oo loo qabtay shaacinta qodobbo lagu heshiiyey oo dhigayey in xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ka tanaasulaan go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta labada sanno ah ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, isla markaana ergada Xisbul-xaakimku ay codsatay in muddadaas la siiyo si go’aanka dib loogu celiyo ciddii sharci ahaan uu ka go’ayey, taasina sababtay in sidaas lagu kala kacay.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa markii kulankaasi soo idlaaday warbaahinta u sharraxay natiijada ka soo baxday shirka.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa sheegay in shirkii wada-xaajoodka ee u socday xukuumadda iyo Mucaaradku uu burburay, waxaanu ku baaqay in la soo faro-geliyo oo xal loo helo khilaafka jira.
“Maanta (shalay) waxaanu isugu nimi fadhigii saddexaad, waxaanu rejaynaynay in heshiis ka soo baxo, fadhiga intii hore wuu fiicnaa oo waa la dooday, waxaana laga doodayey arrintii Guurtida. Kulankaasi wuxuu ku dhammaaday Is-afgarad la’aan. Waxaanu diyaar u nahay cid kasta oo xal u haysa arrintan, hadday yihiin saaxiibbadii aanu ka nimi ee Kulmiye, UCID iyo Xukuumadda, hadday yihiin Shacbiga Somaliland iyo hadday tahay beesha Caalamka, ciddii arrintaas xal ka gaysanaysa diyaar-baanu u nahay. Waxaanu rejaynaynaa annagoo shacbiga u tudhayna in arrintaasi si deg-deg ah xal loogu helo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa masuuliyadda natiijo la’aanta kulankooda dusha ka saaray Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi, “Wada-hadalkii aanu asxaabta wada-samaynaynay, ra’yiyo kala duwan baan isu keennay, aragti lagu kala duwan yahay xisbiyada mucaaradka iyo xisbil-xaakimka ayaa jiray, waanu isku soo dhawaynay, aragtibaanu isu-keennay, aragtidaas waanu isla waafaqnay. Waxaad ka war-qabtaan Xisbiga Waddani wuu nagaga soo kacay, sababtu waxay ahayd go’aankii iyo taladii aanu isla gaadhnay, ayaa waxa la soo jeediyey in annaga Xisbul-Xaakim ahaan nala siiyo, muddo yar oo kooban intaanaan go’aanka jeedin.”
“Arrinka aanu bislaynaynay waxa weeyi arrintii doorashooyinka iyo go’aankii golaha guurtida, arrinkaas iyo go’aankaasi saamayn fara badan ayuu dhinacyo badan ku leeyahay, si aanu u bislayno go’aankaas, annaga wuu noo yaallaa go’aankayagii. Sababta aanaan u sheegaynin waxa weeyi, dhinacyadii ay saamaynaysay waxa milgo noogu leeyihiin inta aanaan saxaafadda u soo bandhigay inaanu go’aankayaga kala soo tashanno. Meel aad u wanaagsan baanu isla gaadhnay (Mucaaradka), intaas dambe uunbaa nagu soo baxday, iyaguna waxay jeclaysteen in go’aanka caawa la jeediyo,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye oo la weydiiyey inay Xisbul-Xaakim ahaan tanaasul ka sameeyeen go’aankii muddo-kordhinta Guurtida iyo in shirkoodu sidaas ku burburay, waxa uu ku jawaabay,
“Horta waxaanu caddeynaynaa inaanu jirin wax wada-hadal ah oo burburay, saddex xisbi qaran baanu nahay, go’aankooduna waxa weeyi meeshay laba xisbi wada-maraan. Ta labaad, Xisbiyada Qaranku uma yeedhanayaan bulsho-weynta caalamka, ninka ku deg-degayaa malaha meel uu leeyahay iyo Dan uu leeyahay buu la tagayaaye, laakiin waxa wada-hadlayaa waa xisbiyada Qaranka. Dad badan oo noo yimi way jiraan, laakiijn, waxaanu ku nidhi, xisbiyadu iyagaa arrintooda ku filan. Xukuumadda iyo Xisbul-xaakimka meel gaar ah oo iyaga u calaamadsanayd ma jirtee, wuxuu xisbiga Kulmiye arrimaha siyaasiga ah la wadaagaa xisbiyada kale ee siyaasiga ah. Halka laysugu guuro iyo meesha danta la moodo ee ay isla gartaan, ayuunbuu isaguna ka mid yahay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ku raaceen Xukuumadda in go’aankooda laga sugo muddo laba maalmood ah, wixii ka dambeeyana xal rasmiya laga soo saaro khilaafka jira, balse Xisbiga WADDANI ka biyo-diiday arrintaas, taasina sababtay inay fadhiga ka kacaan.
“Maanta waxaan idiin sheegaynaaa in mowqifyadii la taagnaa markii hore laysaga soo dhawaaday, jewiguna uu wanaagsanaa, waxna laysla qaatay, haseyeeshee, wixii laysla qaatay laba arrimood baa soo kala dhex-galay; in loo sheego si public ah (bulshada loo sheego) iyo in dib loo dhigo muddo 24 saacadood ilaa 48 saacadood ugu badnaan oo ay codsadeen qolada xukuumaddu oo ay yidhaahdaan qorshahaasi ha inoo qarsoonaadaan waxaanu soo dhammaystiraynaa wax kasta oo innagaga xidhan waxa aynu ku heshiinnay,” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Anagu UCID ahaan waxaanu qaadannay maalin iyo laba inaanu sugno, waxa laga hadlayaa arrin sahlann maaha, waa masiirkii umadda, waa khilaaf siyaasi ah oo haddii aan la xalin keeni kara dhibaato badan. Annagu waanu qaadannay inaanu maalin iyo lababa siinno xukuumadda oo ay hawlahaas wixii ka dhiman soo dhammaystirtaan, dabadeedna annagoo is-oggol oo isku faraxsan ay wax inoo dhammaadaan. Shacabkeennu wuxuu jecel yahay inaynu is-waafaqno, inay wax inoo hagaagaan.”
Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo la weydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa inay jiraan shirar hoose oo xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye dhexmaray, waxa uu ku jawaabay, “Saddexdayada Xisbiba waanu is-waafaqnay oo aanu mabda’ ahaan wax isla oggolaanay, arrinka laysku qabtay ee WADDANI ka kacayna waan sheegay,” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyey, “Shirkaasi ma burburin wada-hadalladu wali way socdaan. Waxaanu Illaahay ka rejaynaynaa Kulanka soo socdaa inuu noqdo mid lagu dhammaystiri doono wada-hadallada.”
Xogaha la xidhiidha doodaha laysku weydaarsaday iyo qodobbada laysku afgartay ka hor intii aan lagu kala kicin kulanka, ayaa ayaa tibaaxay in Xukuumadda iyo Mucaaradku isku waafaqeen in laga tanaasulo isla markaana meesha laga saaro go’aankii muddo-kordhinta Guurtida isla markaana meel dhexe laysugu yimaaddo. Warku waxa uu intaas ku daray, in saddexda dhinacba isla qaateen in wakhtiga doorashada loo cayimo sannadka soo socda dabayaaqadiisa oo dhinac waliba ka tanaasuulo mowqifkiisii hore. Balse madaxweyne ku-xigeenka iyo hoggaanka Kulmiye, ayaa la sheegay inay codsadeen in muddo laba maalmood ah la siiyo si ay go’aankooda ugu gudbiyaan golaha Guurtida oo marka hore soo saaray go’aanka muddo-kordhinta oo madaxweyne Siilaayo hore ugu tilmaamay go’aan dastuuri ah.
Xisbiga Waddani, ayaa isagu ku doodaya in wakhtiga Doorashooyinka laga dhigo bisha June ee sannadka 2016 oo Guddiga Doorashooyinku hore ugu muddeeyeen, halka Xisbiga UCID oo mowqifkiisu meel-dhexe iska taagay go’aanka Golaha Guurtidu ugu muddeeyey in doorashada la qabto badhtamaha sannadka 2017 iyo mowqifka xisbiga Waddani ee go’aankii Komsihanka, ayaa isagu hore u soo jeediyey in wakhtiga doorashada laga dhigo dabayaaqada sannadka 2016, waxaanu u muuqdaa in heshiiska lagu gaadhay kulankii xalay ee fashilmay uu yahay in la qaatay mowqifka dhex-dhexaadnimada ah ee UCID.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment