Sunday, May 31, 2015

Himilada Guurka Iyo Doorashada Lamaanaha Wanaagsan-W/Q Xamse Baashe Muxumed (Shaadhey)

Guurka iyo guursigu waa dhaqan wanaagsan oo Nabiyada iyo Anbiyadii wanaagsanaa laga soo gaadhay sida uu illaahay qur’aanka ku sheegay “ Rasuul baan dirnay Nabi Maxamedow Rusushaasna waxaan u yeelnay carruur iyo Dumar”
Guurku waa Sunnihii wanaagsanaa ee Rasuulka, Culimaduna waxay guurka ku tilmaantey inuu yahay waajib, iyaga oo adeegsanaya “Amar hadduu yimaado waajib buu noqonayaa” Fuqahaduna waxay ku tilmaameen guurku inuu maro shan qaybood oo kala duwan.

Qoraalkan kooban waxaan ku soo bandhig doonaa inaan kaga jawaabno su’aalahan
1. Faa’iidooyinka Guurka.
2. Maxaa Sababay In guurku Ku adkaado dhalinyarta Hadda joogta.
3. Sidee looga bixi karaa Xaaladaas adag.
4. Sidee Wiilku/Ninku u dooran karaa gabadh wanaagsan.
5. Sidee Gabadhu u dooran kartaa Nin wanaagsan.
6. Guurka kadib Maxaa laga filayaa Qoyska Cusub.

Faa’iidooyinka Guurka :
1. Bini’aadamka jiritaankiisa iyo tarankiisa waxay ku xidhantahay guurka, haddii guur la waayo jiritaankii dadku way dabar goysaa, Ujeedada ugu weyn ee loo guursadaa waa in illaahay ku siiyo carruur iyo awlaad wanaagsan oo kusoo ducaysa, Siduu nabigu inoo sheegay Csw “Guursada dumarka ragooda is jecelaysiinta badan, dhalmadana baddan, si aan ugu faano Aakhiro ummaddayda” Sidaa darteed Asalku waa In la tarmo oo Carruur wanaagsan oo aakhiro iyo adduunyada ku anfacda la dhalo.
2. Wiilka/gabadha labaduba marka ay gaadhaan da’da qaangaadhnimada waxay yeeshaan dareeno kala duwan oo ku salaysan sidii ay u heli lahaayeen qof kale oo nolosha la qaybsada, taasina waata Nabigeenii suubanaa Ee Maxamed Csw uu inoo sheegay “Dhalinyarooy kiina awooda guurka, ha guursado, guurku indhaha wuu laabaa macnihii hoos buu udhigaa, xubinta tarankana wuu ilaaliyaa, Kii aan awood u lahayn Ha soomo” Macnaha xadiiska ayaa inoo sheegaya in dareenkan qofka ku abuuran xilliga qaangaadhnimada in uu ku keenayo in uu raadiyo lamaane nolosha la waddaaga, qofka sooma macnaha xadiiska waxa uu hoos u dhigayaa awoodii qofku raadinaayey, sidii uu ugudan lahaa baahidiisa.
3. Guurku waa raaxo macno ahaan waa nasasho qofku Lab/Dhadig uu dareemayo, waayo wiilku waxa uu ku soo jiray inta aanu guursan xaalada dayacnaan ah, isla markaana hawlo badan oo gabadha uu guursadaa la qaybsan lahayd ayaa keligii fuulaya, Halka gabadhu/dhedigu u baahantahay cid masuuliyadeeda qaada, marka ay gaadho heerkan. Macalinkeenii Nabi maxamed Csw ayaa inoo sheega in qofka guurdoonka ah “Miskiin Miskiin Miskiin waa ninka aan haysan lamaane., sidoo kale miskiinad Miskiinad Miskiinad waa gabadha aan haysan lamaane”.
Inkasta Oo faa’iidada guurka aan qoraal iyo hadal lugu soo koobi Karin sidoo kale ay buuxaan Aayaddo qur’aan ah iyo Axaadiis kuwaas oo si balaadhan looga fahmaayo macnaha iyo faa’iidada uu guurku leeyahay, ayaa dadku ay aaminsanyihiin in wakhtigan hada lugu jiro uu guurkii maraayo xaalad adag, taas oo labadii qof ee is rabay, aanay awood u lahayn in ay u soo bandhigaan waalidkood, Yaanan isku darin waalidka oo dhan laakiin waxa jira sida daraasad aan sameeyey aan ku ogaaday inbadan oo kamid ah waalidku mas’uul ka yahay guurkan sii adkaanaya ee bulshada haysata.
Qaybaha dambe ee Qoraalkan waxaan si faahfaahsan ugu soo bandhig doonaa jawaabaha su’aalahaas aniga oo baadhis u galay helida jawaabaha ku haboon, isla markaan culimada iyo xaga diinta ayaan ka eegi doonaa jawaabaha su’aalahan.
Akhriste adiguna fikirkaaga waad iisoo gudbin kartaa si aan u bilawno dood cilmiyeysan oo aanu ku baadhno dhibta dhalinyarta maanta haysta, isla markaana aanu u gaadhno xal waara oo waxtar u ah dhalinyarta inaga dambeysa iyo mustaqbalka fog.

Tixraac: Maxaadaro Guurka (Sheekh Maxamed Cabdi Umal)
Tixraac: Maxaadara Guurka(Sheekh Maxamed Cumar Dirir)
Lasoco Qaybta Labaad.
Mr-Hamse Bashe Muhumed-Shaadhey
E-mail: Xamse18@gmail.com
0252-63-403 8503
Hargeysa/Somaliland
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment