Thursday, May 28, 2015

Xisbiyada & Xukuumadda oo Heshiis Go’aankii Guurtida Burinaya ku Xaliyey Khilaafkii Jiray, iyo Mowqifkii uu Gud. Saleebaan Iska taagay

 

Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka, ayaa heshiis afar qodob ka kooban ku soo af-jaray Khilaafkii ka dhashay Go’aankii muddo-kordhinta ee Golaha Guurtida oo gebi ahaanba meesha ka baxaya, waxaanay isla qaateen in xilliga doorashada laga dhigo dhammaadka sannadka 2016-ka.

Kulamo kala duwan ee cawaysinkii hore ee xalay Xisbiyada siyaasadda iyo Xukuumadda ku yeesheen Hotel Maansoor ee Hargeysa, ayaa lagu go’aamiyey in xilliga doorashada laga dhigo bisha Decemnber ee sannadka 2016-ka, iyadoo laga tanaasulay go’aankii Golaha Guurtida oo dhigayey in doorashada la qabto bisha Afraad ee sannadka 2017-ka iyadoo wakhtigaas dib looga soo guuray muddo lix bilood ah. Sidoo kale, heshiiskan ayaa meesha ka saaray mowqif xisbiyada mucaaradku ku dheganaayeen oo ka duulayey go’aan Komishanku xilliga doorashada ugu muddeeyey bisha June ee sannadka soo socda.

Heshiiska Afarta qodob ka kooban oo xisbiyada iyo Xukuumaddu xalay ku saxeexeen Aqalka Madaxtooyada oo niskii dambe ee xalay ay si wada-jir ah ugaga dhawaaqeen Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani iyo Xukuumadda oo madaxweyne ku-xigeenku u metalayey, ayaa qodobka ugu horreeya lagu sheegay inay ixtiraamayaan Go’aankii muddo-kordhinta ee Golaha Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, balse xilliga doorashadu noqoto bisha 12 ee sannadka dambe isla markaana haddii ay yihiin Xisbiyada Qaranka ay soo jeedinayaan in Guddiga doorashooyinku cayimaan xilliga doorashada.

Heshiiska oo ay ku saxeexan yihiin Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada UCID, Kulmiye, WADDANI iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Sidaad la socotaan gogoshii wada-tashiga Axsaabta Qaranka ee uu madaxweynuhu fidiyey isla markaasna uu madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminayey ee bilaabmay 20/05/2015, waxaanu yeelannay saddex kulan oo aanu ku gorfaynay kuna falanqaynaynay sidii mawqif midaysan looga yeelan lahaa aragtiyihii kala duwanaa ee ka dhashay go’aankii muddo-kordhinta Doorashooyinka ee Golaha Guurtida, dood dheer iyo falaqayn kaddib, waxa ay axsaabta Qaranku ku heshiiyeen isla waafaqeenba in doorashooyinku ay qabsoomaan dabayaaqada sannadka 2016-ka Haddii Illaahay Idmo. Intaas kaddib waxa la soo jeediyey go’aankaas laysla qaatay in ay fuliyaan hay’adaha Dastuuriga ah ee ay khusayso arrinta si ay u noqoto go’aan Qaran ahaan loo wada-dhan yahay.

Sidaa darteed, waxa ay saddexda Xisbi ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ay wada-qaateen go’aamadan:

1) Waxaanu ixtiraamaynaa go’aankii Golaha Guurtida ee Kordhinta muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada maadama Goluhu uu yahay Gole Dastuuriya.

2) In Doorashooyinkua Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ay qabsoomaan Bisha December 2016.

3) Waxa ay saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ku talinayaan in Doorashooyinku ku qabsoomaan badhtamaha bisha laba iyo Tobnaad 2016, iyadoo Komishanka Doorashooyinku ay soo jeedin doonaan Maalinta ay qabsoomayaan doorashooyinku.

4) Maadaama saddexda Xisbi Qaran ka heshiiyeen Wakhtiga Doorashooyinka, waa in Komishanka Doorashooyinka Qarankuna soo jeediyaan Maalinta Qabsoomidda Doorashada isla markaasna waxaanu u soo jeedinaynaa in madaxweynuhu digreeto ku ansixiyo maalinta Doorashada.” Sidaas ayuu qornaa heshiiska dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi-Qaran oo saxeexa heshiiska kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay soo-dhawaynayaan heshiiska oo ay xuseen inuu soo gunaanaday khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta, waxaanay beesha caalamka ugu baaqeen inay kula shaqeeyaan isla markaana u hoggaansamaan go’aanka wada-jirka ah ee xisbiyada iyo xukuumaddu isla qaateen.

In kasta oo heshiiska iyo go’aamadani ku kooban yihiin Xisbiyada iyo Xukuumadda, sida qodobbada ku xusanna ay ku Guurtida ku ixtiraamayaan go’aankoodii Muddo-kordhinta, haddana waxa ay sheegeen inay u tagi doonaan isla markaana u soo bandhigi doonaan heshiiska la gaadhay.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay warfidiyeennada la hadlay, ayaa sheegay in muddo-kordhinta ay sameeyeen tahay go’aan sharci ah oo ka soo baxay hay’ad dastuuri ah, waxaanu yidhi, “Anigu idin odhan maayo cidbaa wax ka noqonaysa iyo wax laga noqday ayaa jira, laakiin Go’aankaasi waa go’aan Guurti, waa go’aan baarlamaan, waa sharci qaran.”

Balse, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay saxaafaddu wax ka weydiisay hadalka Guddoomiyaha Guurtida, ayaa isna ku jawaabay, “Guurtida waxeedu Qur’aan maaha, annagaa xaq u leh wakhtiga doorashadu dhacayso, Guurtida iyo Gurigooda ayaa khal-khal geli doona, waayo shacabku ma oggola. Somaliland wixii ay ku heshiiso ayaa sharci, isaguna (Guddoomiyaha Guurtida) sharciga kama sarreeyo. Awoodda ugu sarreysa ee dalku waa Shacbiga, wixii uu shacbigu gooyo ayuunbaa sharci ah, markaa Saleebaanna sharciga kama sarreeyo.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment