Thursday, May 28, 2015

Machadka Faafinta Islaamka oo Kulan Wacyi-gelin ah u qabtay Ardayda Dugsiga sare ee Ileys ee xaafada M/Mooge

Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Macadka Faafinta Islaamka, faraciisa Somaliland, ayaa Ardayda wax ka barata Dugsiga Sare ee Iley, qaybtiisa Xaafadda Maxamed Mooge u qabtay kulan-diimeed waano ah oo ardayda lagaga wacyi-gelinayey dhaqannada ka hor-imanaya Diinta Islaamka.

Munaasibad kulankan loogu qabtay Xarunta dugsiga ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay madaxda Mac’adka Faafinta Islaamka, culimo-awdiin, Maamulka, Macaliminta iyo ardyada dugsiga wax ka barata.

Maamulaha Dugsiga Ileys Xuseen Cismaan Warsame oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa masuuliyiinta iyo culimada Mac’adka Faafinta Islaamka ku soo dhaweeyay Dugsiga, waxaana hadalladiisa ka mdi ahaa, “Iskuulkan Ileys ee dugsiga sare ahi waxa uu idinku soo dhawaynayaa inaad muxaadirooyin diini ah u jeedisaan ardayda, taas oo ah shay aad loogu baahan yahay, wanan ku faraxsanahay inaad noo timadaan,” ayuu yidhi Maamule Xuseen Cismaan.

Wakiilka Macadka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodijeex Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey qaabiladda Dugsigu u sameeyey maamulka iyo culimada Macadka, waxaanu yidhi, “Waxaan ku faraxsanay sida Maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga sare ee Ilays noo soo dhaweeyay. Sidoo kale waxaan aad ugu bogaadinayaa ardaydaas wiilal iyo hablaba isku jira ee sida ixtiraamka leh u u maqlay maamulkooda iyo macalimiintooda.”

Sheekh Qorane waxa uu faahfaahin ka bixiyay hawlaha uu qabto Macadka Faafinta Islaamka, waxaanu yidhi, “Mac’adka Faafinta Islaamka waa Mac’ad ka hawl gala Somaliland, waxaanu kulamo diini ah oo wacyi gelin ah u qabtaa qa waa Mac’ad ka hawl gala Somaliland, waxaanu kulamo diini ah oo wacyi gelin ah u qabtaa qabaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan goobaha waxbarashada, waxaanu ka wacyi geliyaa wixii xumaan ah, wixi wanaag ahna waa faraa, taasina waa waajib ina wada saaran oo qofkasta laga rabo inuu dhiniciisa ka ilaaliyo wixii xumaan keenaya.”

Cumar Cabdi Iidaan oo ka mid ah culimada Macadka Faafinta, ayaa muxaadiro diini ah ka jeediyey, isaga oo ku dheeraaday qiimaha Diinta Islaamka iyo sida Qof kasta oo Muslim looga baahan yahay ku-dhaqankeeda isla markaana ay u xaaran-timaynayso dhaqannada ka hor-imanaya. Cumar Cabdi Iidaan waxa uu dardaaran kala duwan u jeediyey Ardayda, waxaanu si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in bulshadu u soo jeedsato wanaag farista iyo xumaan reebista. “Diinteena Islaamku waa diin naxariis badan, waxaana inoo taala inaynu wakhtiga ka faa’idaysano oo barashada diinta xooga saaro, camal falkeedana sida ugu haboon ula nimaadno.” Sidaas waxaa yidhi Sheekh Cumar, waxaanu intaas ku daray, “Marka aad diinta sida saxda ah u barato, waxaad la imanaysaa fahan sax ah oo aad ku kala saarto wixii wanaag ah iyo wixii xumaan ah, taasina waxay kuu sahlaysaa inaad noqoto qof aan fikrado khaldan lagu ridin waayo mar walba oo aad diinta sii barato macaankeeda ayaad u sii dhaadhacaysaa oo waxaad noqoysaa qof xumaan ka reeban, waxanan idinka codsanayaa inaad wanaaga badisaan oo aad diintiina, waalidkiin, macalimiintiina iyo idinka dhexdiina aad wanaaga ku ilaalisaan, diinta barashadeedana xooga saartaan.” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Cumar.

Macadka Faafinta Islaamka oo sannadihii u dambeeyey ka hawl-galayey Somaliland, ayaa inta badan xoogga saara sidii uu dhalinyarada uga wacyi-gelin lahaa dhaqannada ka hor-imanaya Diinta Islaamka iyo fahamka Qaldan ee dadka qaarkood ku dhex-qaldaan Diinta Islaamka sida Is-qarxinta oo kale.

 

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment