Monday, May 25, 2015

“Xukuumaddu Maalintii Ay Gogasha Dhigtay, Ayay Haddana Gogoshii Laabtay”

Hargeysa (Himilomedia) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in dalab codsi ah oo uga yimid Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland,isla markaana ahaa dhex-dhexaadiyihii wada-xaajoodka Xukuumadda uga yimid awgeed ay maalinta berry ah oo Salaaso ah ugu riixeen wadahadalkii,isaga oo sheegay in aanay jirin doonin fursad danbe oo ay Xukuumadda io Xisbigeedda siinayaan haddii maalinta berri ah ay dhicoobaan wadahadalku.


Guddoomiyaha,oo maanta ay shir-jaraa’id wada qabteen dhiggiisa Xisbiga Cadaladda iyo Daryeelka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe,ayaa hoosta ka xariiqay in aanay Xukuumadda iyo Xisbigeedda ka qabin wax rajjo ah ,oo ku salaysan in Xal Siyaasi ah laga gaadho Khilaafka muddo-kordhinta siyaasiga ah ee ay dhawaan sameeyeen Goalaha Guurtidda Somaliland.


Gudoomiyaha,ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaad ka war qabteen inuu socday wada-hadal ah gogol uu madaxweynuhu fidiyay,oo lagaga wada hadlayay khilaafkii ka dhashay go’aankii golaha guurtiddu gaadheen ee ahaa muddo-kordhinta aan laysla ogolayn. Anaga oo aan Xisbiga Waddani-ahaan wax shuruud ah ku xidhin,waxa uu ogolaaday inuu gogodha yimaaddo.gogoshaasi waxay bilaabantay 20 May,2015-ka,wax natiijo ah oo ka dhashay kulanaasi muu jirin.laakiin anagga oo eegayna danta Somaliland iyo badbaadda Somaliland iyo in heshiis dhaco,waxaanu siinay fursad Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE-ba,waxaanuna isla qaadanay in xal-siyaasi ah la helo.waxaanu isku soo noqonay Sabtiddii wax xal ahina kamuu iman dhinaca Xukuumadda iyo dhinaca Xisbiga KULMIYE,waxaanay u eekayduun in maalintii gogosha la dhigayay,ay gogosha laabeen,sababta oo ah, gogol-na waanu dhignay ayay yidhaahdeen,go’aanka khilaafka dhaliyayna waxay yidhaahdeen waa lama taabtaan.waxaanu ku kala tagnay in maalin kale la siiyo oo aanu ISNIINTA isku soo noqono,hase yeeshee, Madaxweyne ku-xigeenka,oo dhex-dhexaadinayay Saddexda Xisbi qaran,oo hawlna ku jira,waxuu naga codsaday in Maalin dheeraad ah la siiyo,oo kulan maanta dib loo dhigo,berrina la siiyo.markaanu ka doodnay dood dheer si dimuqraadi ah,waxaanuna qaadanay anagga oo ku xurmaynayna Madaxweyne Ku-xigeenka in aanu maalintaas-na siino” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Himilomedia
Hargeysa

No comments:

Post a Comment