
Badhasaabka Gobolka Selal iyo Maayarka magaalada Saylac waxa ay sheegeen inay halis ku sugan tahay dugsiga H/Dhexe oo dhisme ahaan ugu xidha darafka magaalada ee dhinaca badda, halka dugsiga Sare ee magaaladu aanu waxba ka durugsanayn. Masuuliyiintu waxa ay sheegeen in wax ka qabashada biyaha badda ee ku soo fidaya Dugsigu ay ka xoog-roontahay awooddooda wax-qabad, balse ay inta awooddooda ah dedaalleen kuna sameeyeen Moosas aan laysku hallayn karin.
Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha oo warbixinta masuuliyiinta degmada iyo gobolka kaddib hadal kooban jeediyey, ayaa ka garaabay dhibaatada biyaha baddu ku hayaan magaalada Saylac, gaar ahaan dugsiga Hoose dhexe ee magaalada oo ka kooban fasallada 1aad iyo 8aad, isagoo soo qaaday halis ay ardaydu ugu sugan yihiin biyaha badda ee ka soo dhawaaday agagaarka dugsiga. Waxa uu wasiirku tilmaamay in dugsigu ubaahan yahay deyr iyo moosas xooggan oo lagaga gaashaanto burbur ku yimaadda dugsiga, waxaanu ballan-qaaday inuu xukuumadda gaadhsiin doono wixii baahiyaad ah ee jira.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment