Saturday, May 23, 2015

Soomaaliya oo sheegtay inay Somaliland Taleefan kaga wada-hadleen khilaafka Wada-Xaajoodkii Fashilmay, ishana ku hayso Taleex

Muqdisho, 23 May, 2015 (Himilo)- Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa sheegay inay dawladdiisu si dhaw isha ugu hayso khilaafka deegaannada Bariga Sool iyo Sanaag ka taagan, sida uu hadalka u dhigay, ee u dhexeeya Kooxda la baxday Khaatumo iyo dawladda Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay inay Somaliland iyo Soomaaliya dhinaca Isgaadhsiinta kaga wada-hadleen isu soo dhawaansho lagu soo celiyo wadahadalladii fashilmay ee labada dal u soo socday dhawrkii sano ee u dambeeyey.
maxresdefaultWasiirka Arrimaha Gudaha dawladda Soomaaliya oo su’aalo laga weydiiyey arrimo kala duwan kaga jawaabay Kulan Warbaahineed lagu qabtay Muqdisho Khamiistii, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin horumarka iyo nabadgelyada ay Somaliland gaadhay, hase-yeeshee ay jecel yihiin in Soomaaliya oo mid ahi iskaga sii qurux badnaan lahayd sida maanta wax yihiin. Waxaanu caddeeyey inay dawladdiisu aamminsan tahay inay Somaliland tahay mid ka mid ah Maamullada dawladda Federaalka hoos taga, halka uu xusay inay dadka reer Somaliland dhankooda aamminsan yihiin inay yihiin dawlad madax-bannaan oo gaar uga taagan Soomaaliya, qodobbadaasina yihiin kuwa mudan in laga wadahadlo.
“Somaliland Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay aamminsan tahay inay tahay qayb ka mid ah waddanka la yidhaahdo Soomaaliya. Midnimada sida mar walba la sheego waa muqaddas baa la yidhaahdaa, oo macneheedu yahay lama taabtaan, dawladdu aragtida ay ka duulaysaana waa taas. Dhinaca kale Walaaleheen Somaliland waxay aamminsan yihiin dawlad gooni isu-taagtay inay tahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Wadahadalladii aannu isugu tegnay Turkiga, annagu waxaannu u aragnay dawladda Federaalka la yidhaahdaa waxay ka kooban tahay 4.5 wax la yidhaahdo ayay ku dhisan tahay. 4.5-na waxa weeye dadka Soomaaliyeed ee dega Lawyo-caddo illaa Raaskaanbooni waxay ku leeyihiin dad u metela federaalka, umatelaaddaas qof qof uga xuquuq badani ma jiraan. Beelo waxa jira Waqooyiga Soomaaliya ka soo jeeda, waxa metela dad Waqooyiga Soomaaliya u dhashay oo ka mid ah Baarlamaanka oo ka mid ah Golaha Wasiirrada, dadkaas iyo anigu isku xuquuq baannu nahay, aniga iyo Wasiirka ka yimi Waqooyiga Soomaaliya Dastuurka iyo Ansixinta Baarlamaanka ayaannu ku wada joognaa isku xuquuq baan nahay.”
Mar uu Wasiirku ka hadlayey qodobka fashiliyey shirkii wejiga siddeedaad ee wadahadalka oo Turkiga ku fashilmay 1-da bishii saddexaad ee sannadkan 2015-ka, waxa uu yidhi; “Dabcan wadahadalladii Turkiga markii aannu tegnay, dadkii Maamulka Somaliland ka socday waxay codsadeen in dadkan ka yimi Waqooyiga Soomaaliya laga saaro ergada. Annagu waxaan aamminsannahay dadka Waqooyiga Soomaaliya dega dadna Kala-go’a ayay u doodaan, dadna Midnimada ayay u doodaan, annaga kuwii midnimada u doodayey baa nala jooga, kuwii kala go’a u doodayeyna waa dadka kale ee aan la wadahadlayno. Meelna wadahadallada iyo Sharciga kagama jirto. Adduunyada wadahadallo bilaa shuruud ah baa la yidhaahdaa, dawladda Federaalka Soomaaliya-na waxay diyaar u tahay wadahadallo shuruud la’aan ah.”
Waxa uu intaas ku sii ladhay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo uu yidhi; “Yaa Somaliland ka socda? Nin Xamar ku dhashay hadday wadato oo ay keento annaga dhib naguma hayso, Somaliland buu metelaa, Maamulkaas buu metelaa, fikraddaas buu metelaa. Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadana fikraddeeda waa la yaqaannaa. Arrintii soo kala kiceedii ka dib, wadahadallo waa na dhex-mareen ku saabsan Taleefanno iyo isu-soo-dhawaansho. Annagu waxaan qabnaa wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya in loo baahan yahay oo uu daruuru yahay, weliba waxa kale oo aan qabnaa inaan wadahadli karno annagu.”
Waxa uu u mahadceliyey Wasiirku dhinacyada ka qayb-qaadanayey wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya tan iyo bilawgii, waxaanu yidhi; “Waa mahadsanyihiin Walaala Turkiga iyo dadkii kale ee ka horreeyey na soo dhex-dhexaadiyey inaan wadahadli karno. Doodda annaga meesha aan ka waajahaynaa waxa weeye aan wadahadalno. Dabcan waa hadleen Maamulka Somaliland waxay dheheen; ‘Annaga haddaan shuruuddii la sameeyey laga laaban wadahadal diyaar uma nihin’ anigu waxaan isleeyahay taasi waxoogaa waa ka badbadis, annagu wadahadal bilaa shuruud ah ayaannu diyaar u nahay.”
“Dabcan waxa laga wadahadlayaa ma go’aynaa mise ma go’ayno? Midnimadi ma jiraysaa mise ma jirayso? Waxaasi miiskay saaran yihiin, qofkan markaas midnimada metelaa adiga dhib kuguma hayo maaddaama oo uu diyaar u yahay inuu kaala hadlo Ajandaha. Markaa, waxaan leeyahay Shaqsiyaadka intaan iska dhaafno Ajandaha aan ka wadahadalno, mar walbana baaqaas baan u dirayaa Maamulka Somaliland.” sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka Soomaaliya Cabdiaxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).
Mar uu ka hadlayey Wasiir Odawaa sida ay u arkaan horumarka Somaliland gaadhay, waxa uu yidhi; “Laakiin, mar walba waxaan ku faraxsanahay oo aan jecelahay inaan calaamadiyo waanan sheegaa mar walba, nabadda iyo horumarka Somaliland ka jira dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dadkan Koonfurta Soomaaliya joogtaa waa taageersan yihiin, waa ku faraxsan yihiin, inay sii barwaaqaydo ayay rabaan. Laakiin, waxaan rabnaa Soomaaliya oo mid ah oo aan ku wada qurux badannahay, wada-joogga inaan ku wacannahay kuna wada qurux badannahay ayaan annagu aammisannahay, waxoogaagaas baan isku khilaafsannahay mooyaane, waxa Hargeysa iyo Somaliland ka jira aad baan ula dhacsannahay.”
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya mar uu ka hadlayey Bariga gobollada Sool iyo Sanaag, waxa uu sheegay in khilaaf ka jiro, sidaa awgeedna ay dhinacyada ka xigaan Somaliland iyo Puntland, waxa halkaas ka socdana ay dawladda Federaalka Soomaaliya Isha ku hayso, una arkaynin in xabbadi xal keeni karto, taasna ay kala hadleen maamulladaas sida uu hadalka u dhigay isagoo xusay in Cali Khaliif Galaydh oo Madaxweynaha Maamulka la baxay Khaatumo ahna uu Muqdisho la joogo.
“Annagu waxaan aamminsannahay Xabbad Xamar baa laga qaaday Hargeysa lagu xabbadeeyey, dadka reer Hargeysa go’aanka ay ku gaadheen inay gooni isu-taagaan waxa weeye waa nala dila, waa inaanay u quudhin markaas reer Laascaanood ama reer Taleex inay dilaan, isma qabato. Wax alla wixii aad adigu ka dhiidhiday waa inaanad walaalkaas u ku samaynin oo aad u diiddaa, Baaqaas baan markaa u diraynaa, Sool iyo Sanaag waan kuu sheegay illaa Ingiriiskii dad xornimo u dirir ah bay ahaayeen, dawladduna ishay ku haysaa runtii oo aad iyo aad bay ula socotaa.” Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment