
Guddoomiye Nigel Farage oo marti-qaad ka helay Safiirka Somaliland ee dalka UK Cali Aadan Cawaale oo xafladda ku qaabiley, waxa uu dowladdiisa ku canaantay iska-dhega-tirka rabitaanka shacabka iyo madax-bannaanida Somaliland.
Gudoomiyaha Xisbiga UKIP waxa uu sheegay in la gaadhay wakhtigii Ingiriiska iyo beesha caalamku aqoonsan lahayd madaxbanaanida Somaliland, laguna abaalmarin lahaa xasiloonida ay gaadheen.
“Somaliland waxay tusaale lagaga daydo nabadda, dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga u ahayd gobolka Geeska Afrika 24-kii sanno ee u dambeeyey. Waxa la gaadhay xilligii ay UK iyo bulshada Caalamka inteeda kale aqoonsan lahaayeen Somaliland. Waxa la gaadhay wakhtigii looga abaal-celin laha nabadda ay samaysteen.
“Waxa Khalad ah in dowladda UK dhabarka u jeediso rabitaanka sharciga ku dhisan ee madax-bannaanida. Waxa aan la aqbali karin inaanu ka gaabinnay sidii aanu uga taageeri lahayn inay xubin ka noqdaan ururka Barwaaqo sooranka, waayo sannadihii u dambeeyey waxaanu taageernay waddamo badan oo ku biiray (Barwaaqo Sooranka) oo uu ka mid yahay dalka Mozambique oo aan xidhiidh taariikheed la wadaagin Britain, laakiin Somaliland oo ahaan jirtay Maxmiyad hoos tagta boqortooyada, waa la illaaway, taasna waan in wax laga beddelaa.”
Dhinaca kale, Xildhibaan James Carver oo afhayeen u ah xildhibaanada xisbiga UKIP ee baarlamaanka Yurub, ayaa farriin taageero ah u diray Somaliland xuska maalinta qaranimada ee 18 May awgeed.
“Waxaan si dhab u taageersanahay baadi-doonkooda Aqoonsi. Anigoo ka faa’idaysanaya Maalinta Qaranimada, waxaan Somaliland u rejaynayaa Aqoonsi Caalami ah oo ay helaan,” ayuu yidhi James Carver.
Xisbiga UKIP oo saddexdii sannadood ee u dambeeyey kasbaday shacbiyad tiro badan saddexdii doorasho u dambeeyey, isla markaana kaalinta saddexaad kala wareegay xisbiga Liberal Democrats, ayaa ah Xisbiga kaliya ee taageersan qadiyadda madax-bannaanida Somaliland oo xildhibaannada iyo masuuliyiinta Xisbigaasi mooshinno ku saabsan hordhigeen baarlamaanka Midowga Yurub.
Xisbiga UKIP oo siyaasaddiisu u jan-jeedho dhinaca Midig, waxa uu u ololeeyaa sidii waddanka UK uga bixi lahaa xubinnimada Midowga Yurub, taas oo ka dhigtay Xisbiga xildhibaannada ugu badan ku leh baarlamaanka Midowga Yurub marka loo eego xisbiyada kale ee Ingiriiska. UKIP oo la aasaasay sannadkii 1993-kii, waxa uu siyaasadda dalka UK Saamayn Xooggan Ku yeeshay doorashadii sannadkii 2013-kii oo xisbigu kaalinta afraad ka galay tirada xildhibaannada goleyaasha deegaanka, halka uu kaalinta saddexaad ka galay doorashooyinka Guud ee waddankaas. Doorashooyinkii Guud ee sannadkan ka qabsoomay dalka UK, waxa uu xisbigu kaalinta saddexaad ka galay tirada codadkii laga dhiibtay doorashadaas oo xisbigu ka helay in ka badna Afar Milyan oo cod.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment