Hargeysa, 26 May, 2015 (Himilo)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in mudd-kordhinta loo sameeyey Xukuumaddu ay tahay fursad xisbiyada mucaaradka ah u saamaxaysa inay doorashooyinka soo socda kaga guulaystaan xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inay talada dalka ku hanatay fursad siyaasadeed oo ay ka heleen muddo-kordhintii loo sameeyey xukuumaddii UDUB ee Md Axmed Yuusuf Yaasiin madaxweyne ku-xigeenka ka ahaa.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo saxaafaddu waxa ka weydiisay khilaafka ka dhashay muddo-kordhin sannadka iyo tobanka bilood ah iyo wada-hadallada xalka loogu raadinayo ee u socda xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaradka ah, waxa uu soo jeediyey in qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyeyaashu ka muhiimsan tahay doorasho xilli loo muddeeyo maadaama aan la hubin inay doorashooyinku ku qabsoomi karaan wakhtiga la cayimay, sidaa awgeedna loo baahan yahay inay mucaaradka iyo muxaafadku ka wada-hadlaan waxa laga yeelayo haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan xilliga loo muddeeyey, isla markaana ay digtoonaadaan khilaaf-siyaasadeed oo waxyeello gaadhsiin kara Qaranka.
“Aniga waxa doorashada igala muhiimsan diiwaangelinta, waatii diiwaangelintii hore xumaatay, aasaaska ama saldhigga doorashaduna waa diiwaangelinta. Anigu waxaan odhan lahaa, mucaaradku haku adkaysto inay soo baxdo ama ay dhacdo diiwaangelin rasmi ah si nin waliba u galo doorasho xalaal ah. Marka taas la helo, doorasho waa la qaban karaa. Bal ka warran haddii maanta wakhti laysla qaato oo diiwaangelintuna socon weydo,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey Gurigiisa magaalada Hargeysa. Waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Midda kale, waxa laysku hayaa waa Shan bilood, wax waddanka khal-khal loo galiyna uma arko Afar ama shan bilood. Waxaan qabaa in laga wada-hadlo haddii ay ka shakisan yihiin inaanay xukuumaddu ku qabanayn doorashada xataa wakhtigii ay qabteen in laga wada-hadlo maxaa la yeelayaa haddii doorashadu ay qabsoomi waydo muddada loo xaddiday.”
Axmed Yuusuf Yaasiin oo la hadlayey xisbiyada mucaaradka ah, waxa uu yidhi, “Anigu waxaan qabaa haddii muddo-kordhinta la kordhiyey inay nasteexo u tahay ama u fiican tahay mucaaadka. Sababtoo ah, annaga wakhtigayagii waxay lanoo kordhiyey laba sannadood, Sagaal bilood waxaanu ka dhaxalnay Cigaal (Madaxweynihii hore ee Somaliland), labadaasi sanno waxay keeneen necbaansho; waa sida maanta Kulmiye ku yimi. Markaa waxaan leeyahay, mucaaradow idinkay idiin fiican tahay. Xukuumadda, waxaan leeyahay haddii mucaaradku deg-degayo, hala sameeyo doorasho bilaa diiwaangelin ah, tan maanta joogta (Xukuumadda Kulmiye) ayaa heli doonta. Markaa waxaan leeyahay mucaaradka, ha sugaan oo samraan oo iyaguna sidaa ha ku yimaaddaan.”
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland waxa uu talooyin u jeediyey xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda waxaanu yidhi, “Somaliland cadow badan, ayay leedahay Somaliland oo innagu xeeran, waxaan qabaa in mucaarad iyo muxaafadba loo wada-tashado oo heegan loo noqdo cadowga dibaddeena iyo ka gudaheennaba. Tan doorashadana in si xal ah meel laysula dhigo oo waxaan odhan lahaa haddii diiwaangelin dhacdo, waa la qaban karaa doorasho wakhtigeeda ka soo horumarto.”
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment