Hargeysa, 27 May, 2015 (Himilo)- Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md Cali Jaamac Buureed, ayaa sheegay in qalalaasaha dagaal ee ka taagan dalka Yemen sababay in Somaliland ku weydo suuq oo wax-soo-saarka Kalluumaysiga dalka ah, taasina ku dhalisay inay xukuumad ahaan ka fekeraan qorshe ganacsi oo suuq loogu raadinayo dhinaca dalka Itoobiya.

Wasiirka waxa uu sharraxayay heerka wax-soo-saarka ganacsiga Kalluunka loo dhoofin jiray dalka Yemen, “Qulqulatooyinka Yemen aad bay saamayn ugu yeelatay Kaluumaysiga Somaliland, waxaa jiray ganacsato Muwaadiniin ah oo gaadiid waaweyn samaystay oo waddankeena Kalluun intay kala soo baxaan u iib gayn jiray Yemen, markaa ganacsigaasi wuu istaagay, dhaqaalihii dadkaas ka soo gali jirayna waa istaagay,” ayuu yidhi Md Buureed, waxaanu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo inoo iman jiray ganacsato Yemen ah oo sharci la siiyo oo dakhli inaga soo gali jiray, kaasina waa istaagay. Ta ugu muhiimsanna waxa weeye ganacsatadeenii tagi jirtay Yemen ama marka y halkan yimaadaan Yemeniyiintu ka Iibin jirtay Kalluunka ama intay qaadaan Cadan, Mukalla, Shukhra iyo manaadiiqdaa inagu teedsan ka iibin jiray ayaa joogsaday, taasina dhibaato weyn ayay ku keentay dhaqaalaheena,” ayuu yidhi Md Cali Jaamac Buureed oo u warramayey telefishanka SomNews.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Dawlad ahaan waxaa waajib ah in la raadiyo suuqii Kalluunku u bixi lahaa. Suuqa Jabuuti oo iska yar wax yar baa kalluunkeena tagi jiray, suuqa ugu weyni Yemen buu ahaa isna waa xidhmay, wixii dalka gudihiisa lagu cunayay mooyaane oo waliba aanay magaalooyinkeena waaweyni lahayn suuqyo casri ah.”
“Itoobiya waxa suuqoodu inooga baahan yahay waxaa ugu weyn kalluunka iyo Milixda, labadaba wasaaraddan ayay hoos tagaan, wax xidhiidh ah oo aanu kala samaynay Ethiopiana ma jirto, runtii Wasaaradda ganacsiga iyo arrimaha dibadda dhawr jeer baanu kala hadlay sidii loogu hawl-gali lahaa. Sidaynu ognahay Kalluunkeenu xagga Ethiopia uma dhaafi karo Tog-wajaale laakiin qaadka Ethiopia meel kasta oo dalkeena ah baa la gaynayaa ilaa Tuuloyinka, markaa waa in Halka qaadku ugu jiro inana Kalluunkeenu galo haddii kale waxaynu odhan doonaa iyagana qaadkooda ha haysteen haddaanay kalluunkeena qaadanayn,” ayuu yidhi Wasiir Cali Jaamac Buureed.
Xukuumadda Somaliland, ayaa tiroba dhowr jeer hore u shaacisay qorshe dhaqaalaha Somaliland kaga baxa Ganacsiga Jaadka ee Itoobiya laga keeno loogu beddelayo wax-soo-saarka dalka sida Kalluunka iyo Milixda, haseyeeshee ilaa immika ka hirgelin qorshahaasi. Dhinaca kale, Ganacsiga Jaadka dhinaca Itoobiya ka yimaadda oo maalin kasta boqolaal Milyan dalka dibadda uga saara, ayaa ah dakhliga ugu weyn ee xukuumadda uga soo xerooda cashuuraha dalka.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment