Hargeysa,(Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtia Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaas u soo jeediyey inay dhinac uga soo wada jeestaan, isla markaana wada-jir iyo gooni-gooni-ba u difaacaan go’aanka ay muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ugu sameeyeen Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada horraantii bishan dhammaadka ah ee May 2015-ka.
Guddoomiye Saleebaan oo guddoominayey fadhi uu Sabtida Shalay Golaha Guurtidu ku yeeshay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysaa, waxa uu ka jeediyey hadal uu Xildhibaannada Guurtida ugu sheegay in uu sharci yahay go’aanka ay Guurti ahaan muddo-kordhinta ugu sameeyeen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, isla markaana aanu sharci ahayn heshiiska ay wada-gaadheen Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu habeenkii Khamiistu soo galaysay. Sidaa awgeedna waxa uu u soo jeediyey inay difaacaan go’aankooda maaddaama oo uu yahay go’aan sharci oo Golohooda oo keliyi awood u leeyahay inuu muddo kordhiyo.
Heshiiska ay Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo isku dhinac ahi wada gaadheen habeenkii Khamiistu soo galaysay ee toddobaadkii hore, ayaa qodobbadiisa waxaa ka mid ahaa qodob dhigaya in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada la qabto badhtamaha bisha December sannadka soo socda ee 2016-ka iyo sidoo kale qodob dhigaya in la ixtiraamo go’aanka Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta, haddana farsamo ahaan doorashada xilligaa la qabto.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guurtida, ayaa Khamiistii sharci-darro ku tilmaamay heshiiskaas ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada gaadheen oo uu sheegay inuu garab marsan yahay go’aanka Sharci ee ay Gole ahaan gaadheen, isla markaana uu yahay heshiiskaasi mid aan waxba ka jirin oo aan saamayn ku yeelan doonin go’aankooda sharciga ah ee dhigaya in dabayaaqada bisha April ee sannadka 2017-ka la qabto doorashooyinka isa saarka ah ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, maaddaama oo lagu guul-darraystay sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye Saleebaan inay Guddiga doorashooyinku qabtaan xilligooda oo ahaa 26 June 2015-ka oo ay ku dhammaanayso muddada-xilhaynta Madaxtooyada iyo Wakiilladu.
“Go’aankii Guurtidu wuu dhacay, Shuruucda Qaranka ayaannu ka mid yahay, waxaanan Warbaahinta ka maqlaa Saxeexii Madaxweynaha ayaa u hadhay, waar saxeex Madaxweyne uma hadhin. Madaxweynuhuna ma saxeexo go’aan Gole Guurti oo saameeya arrintaas, mashruuc sharci oo saddexda Gole soo maray ayuu saxeexaa Madaxweynuhu, tanna waxa weeye go’aan Guurti oo dastuurku siinayo, intaasi waxay ahayd intii aanay Guurtidu go’aan ka gaadhin oo saddexdiinnaba (Xisbiyada) waynu is aragnay waanad is khilaafteen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida oo fadhigaa shalay kula hadlay Xildhibaannada Golahaas.
Waxa uu Guddoomiyaha Guurtidu ku dooday in go’aanka Gole ahaan ay muddo-kordhinta ku sameeyeen ahaa mid sababaysan, waxaanu yidhi; “Go’aanka Guurtiduna markaas wuu sababaysnaa, gobollada aan doorashada laga geli kar ee Bariga waannu sababaynay, ma ka hadhnaa, Waqooyiguna waa la mid , Madaxweynaha dib u soo noqoshadiisa sharci ayaa u yaal. Laakiin, Golaha Wakiillada sharci u yaallaa ma jiro, gobolladaasna wali lagama hawlgelin oo lama odhan nagala qaybgala, danteenna iyo doorashooyinkeenna waana qabyo.”
“Go’aanka Golaha Guurtida waynu faafinnay waxaanu ka mid yahay shuruucda dalka, maantana waxaannu idiin sheegaynaa in arrintaas iyaguna go’aankooda iska gaadheen innaguna jawaabtii aynu siinnay ay tahay go’aankii Guurtida ayaa sharci ah, halkaas ayey innoo joogtaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Saleebaan-Gaal oo sii watay hadalkiisa waxa uu u sheegay Xildhibaannada inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ku lid ah isku duubnida Mudanayaasha Golaha, loona baahan yahay inay isku duubnaadaan, waxaanu yidhi; “Kollayna birta la innaga dhigi maayo, in la idin kala xadayo ayaan ogahay, in hoos la innoogu soo noqnoqanayo ayaan ogahay, Golaha waxaan xasuusinayaa inuu mid yahay, waxaanu nin waliba rayigiisa u madax-bannaan yahay inta doodda lagu jiro, mar haddii go’aan la qaato kii diiday iyo kii oggolaaday iyo kii ka aammusay intuba waa inay difaacaan, sidaas ayeynu Gole ku nahay.”
“Waxaan maqlayaa Xildhhibaanno Warbaahinta iyo Suuqa ka sheegaya waa lagu deg-degay go’aankaas, wixii sharciyad taalla ayaa kuwaasna laga yeelayaa, go’aankii Golahuna waa kaas wixii khilaaf ah ee Rag la yimaaddana shruuuc iyo dhaqan ayaa Golaha uga yaalla.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment