Nairobi, 28 May, 2015 (Himilo)- Midowga Yurub, ayaa lacag ka badan Lix milyan oo Dollar ugu yaboohay dib-u-dhiska iyo xasilinta dalka Soomaaliya, taas qayb ka noqonaysa Sanduuq loogu magac-daray Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya oo EU-du markii u horeysay xubin ka noqotay, kaas oo Beesha Caalamka ugu talo-gashay taageerada kaabayaasha nolosha iyo maamulka ee dalkaasi Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi, Qaadhaanka Midowga Yurub ayaa loogu talo-galay in lagu taageero deegaannada nabaddu ka hirgashay, gaar ahaan maamul-goboleedyada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo qaadhaankeeda ugu horeeyey ee dhan 5t-a milyan Yuro (una dhiganta $ 6.2 million) ee sanduuqa Xasilinta Soomaaliya. Qaadhaankan waxaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleeyda si dib u loogu dhisaa maamul deegaaneedka, kaabayaasha iyo nolosha degmooyinka ee dhawaanta galaangalka loo helay ee Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.
Midowga Yurub waa jaalka ugu weyn Soomaliya xagga horumarinta waana deeq-bixiya weyn ee Soomaaliya, in ka badan kala bar kaalmada guud ee Midowga Yurub waxay ku wajahan tahay gar-gaarka horumarineed siiba dowladnimada, wax-barashda iyo horumarinta dhaqaale. Asagoo adeegsanaya tabahiisa kala duwan ayuu Midowga Yurub uu si aad ah ugu howlan yahay xagga diblomaasiyada iyo taagyeerida geedi-socodka siyaasadeed, nabadgelyada, kaalmada horumarinta iyo gar-gaarka bani'aadinimo.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
Dhinaca kale, Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d'Urso oo ka hadlay qaadhaanka ay ugu yaboobeen Soomaaliya iyo meelaha loogu talo-galay in lagu kharash-gareeyo, ayaa yidhi, "Dowlad deegaaneedka iyo soo kabashada dhaqan-dhaqaale waxay fura u yihiin in la gaadh nabad iyo xasiloonida iyadu is-wadda oo Soomaaliya hesho. Iskaashiga Soomaaliya iyo Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya wuxuu muuhim u yahay u horseedida ujeeddadan loo dhan yahay. Dadaalada wada jirka ah waxay ku xidhan yihiin jawiga iskaashi ee lagu fulinayo. Waana tan sababta runta ah ee in iskaashi lala yeesho ka-qayb galayaal kale oo muhim ah sida AMISOM, IGAD iyo Qaramada Midoobay.”
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment