Wednesday, May 27, 2015

Xukuumadda oo wareegto ku-dhaqangelisay in Shilinka Somaliland oo kaliya la isticmaalo

Hargeysa, 27 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u shaacisay go’aan maalmihii u dambeeyey ay ka shirayeen Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga, Baanka Dhexe, Rugta Ganacsiga iyo Xubno ka tirsan Ganacsatada waaweyn ee dalka, kaas oo lagu go’aamiyey in si rasmi looga dhaqan-geliyo dhammaan goobaha ganacsiga iyo Xarumaha bixiya adeegyada bulshada isticmaalka lacagta shilinka Somaliland.
MUUSE QAASIMTallaabada lagu dhiirrigelinayo isticmaalka lacagta Shilinka Somaliland, ayaa salka ku haysa qorshe wax lagaga qabanayo sicir-barar ku yimi badeecadaha dalka iyo qiime-dhac lacagaha lacagaha qalaad, gaar ahaan Sicirka Dollarku, ku keeneen shilinka Somaliland, taas oo saamayn ku yeelatay nolosha bulshada danyarta ah ee dalka.
Wareegta uu shalay soo saaray wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Md Muuse Qaasim, ayaa lagu mabnuucay isticmaalka lacagta Dollar oo bulshadu si xooggan u qabatintay, waxaana wareegtadan lagu faray dadweynaha iyo ganacsatada inay lacagta shilinka Somaliland loo adeegysado Adeegyada ay bixiyaan shirkadaha Isgaadhsiinta, Xawaaladaha, Korontada, Xarumaha gaarka loo leeyahay ee bixiya Adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada. Waxaana loogu digay wareegtada in ciddii u hoggaansami wayda tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Haseyeeshee wareegtada wasiirka Ganacsiga laguma sheegin qaabka loola xisaabtamayo ganacsatada iyo cidda loo xil-saaray masuuliyadda shirkadaha, goobaha ganacsi iyo shakhsiyaadka u hoggaansami waaya Amarka Xukuumadda.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Md Muuse Qaasim oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa sharraxay muhiimadda ay xamaarsan tahay digreetada uu dhaqan-galiyey go’aanka lagu mabnuucayo isticmaalka Lacagta Dollarka.
“Lacagta Rasmiga ah ee dalka laga isticmaali karaa waa Shilinka Somaliland. Si aynu uga baxno baahida Dollar ee aynu innagu isku abuurnay, waxa la go’aansaday in la fuliyo oo la isticmaalo wixii distoorka inoogu qoran oo wareegtadan la dhaqan geliyo maanta laga bilaabo oo ay u hoggaansamaan ganacsatada oo dhan iyo dadka adeegga bulshada bixiya oo ay ka mid yihiin Dugsiyada gaarka loo leeyahay, cusbitaallada gaarka ah loo leeyahay, laydhadhka, internet-yada, telefoonnada; waxa dadka laga qaado oo dhan in biilashooda lacagta shilinka Somaliland lagu bixiyo. Marka laga bilaabo maanta (shalay) waa xaaraan in Rasiidh lagu arko Dollar,” Sidaas ayuu yidhi Md Cismaan Qaasim.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Sidaas darteed, waxaanu dadka faraynayaa in shilinka Somaliland la kala qaato, Ciddii Dollar cid weydiisaana ay dambi ku jirto. Sidaasaynu Dollarka Isticmaalkiisa ku yaraynaynaa oo aynu kaga raysanaynaa Dollarka aynu innagu nafteenna galinaa,” ayuu yidhi Md Muuse Qaasim.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment