Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa qirtay in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Tirakoobka dadka ee UNFPA u gudbisay dowladda Soomaaliya Xog-ururin laga sameeyey gobollada Somaliland sannadkii 2013-kii, taas oo hawl-galkeeda ka wada-shaqeeyeen Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, isla markaana ay labada dhinac ku heshiiyeen in xogo ka soo baxda natiijadaasi gaar ah u tahay Somaliland.
Dowladda Soomaaliiya iyo hay’adda UNFPA, ayaa munaasibad ay si wada-jir ah ugu qabteen magaalada Muqdisho ku soo bandhigay tiro-koob shacabka ku nool gobollada ay ka koobanaan jirtay dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gobollada Somaliland ku jiraan.
Xukuumadda Somaliland waxa ay qirtay in hay’adda UNPFA kaga baxday isla markaana ay khiyaamo kula kacday Macluumaadka iyo Xogta tiro-koobka shacabka Somaliland oo ujeeddadii loo sameeyey ahayd sidii loogu xisaabtami lahaa Wax-qabadyada iyo adeegyada bulshada ee gobolka kasta u baahan yahay, sidaas awgeedna ay tallaabada ay dowladda Soomaaliya ugu gudbisay xogta tirakoobka shacabka Somaliland ay dhaawacayso wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo hay’adda UNFPA, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaran Dr Sacad Cali Shire.
War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA, ayaa iska kaashaday sahan loogu kuurgelaayo tirada dadka ku nool Somaliland sannadkii 2013.
Dadkeenna in aynu tiradiisa iyo noloshiisaba xog ka helnaa waa muhiim, waxaynu u baahannahay in aynu ogaano tirada dadka degmo kasta iyo gobol kastaba ku nool si aynu adeegyada bulsho sida Tacliinta iyo Caafimaadka ugu qorshayno.
Sahanku wuxuu ka dhacay gobollada Somaliland oo dhan iyo deegaamadiisa laga soo bilaabo Saylac - Dhahar ilaa Buuhoodle.
Cid Soomaaliya ka socota oo xog-ururinta Somaliland laga sameeyey ka qaybgashay ma jirto. Xogta la ururiyey iyo natiijada kasoo baxday waxa iska leh Somaliland cid kale oo sheegan kartaa ma jirto, ciddii sheegatana sheegashadeeda waxba kama jiraan.
Somaliland iyo hay’adda UNFPA waxay ku heshiiyeen in warbixin gaar ah oo koobaysa tiro-koobka Somaliland ay soo saarto, waanay fulisay.
Waxase nasiib-darro ah oo aannu aad uga xunnahay in hay’adda UNFPA xogtii Somaliland ay siisay Soomaaliya, kalana qaybgashay xaflad ay Soomaaliya ku sheeganayso natiijadii tiro-koobka Somaliland. Arrintaasi waxay saamaynaysaa wadashaqayntii Somaliland iyo hay’adda,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka uu soo saaray Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment