Saturday, May 23, 2015

Nuxurka Go’aan Xalay Madaxtooyada lagu gaadhay oo Xukuumadda iyo Xisbigeedu Maanta ugu jilib-dhigayaan Mucaaradka iyo Kala-shakiga UCID iyo WADDANI

Xisbiyada UCID iyo WADDANI maka tanaasuli doonaan muddo-kordhinta ay qaaddeceen haddii Xukuumadda iyo Xisbigoodu ku adkaystaan go’aankooda?

Hargeysa, 23 May, 2015 (Himilo)- Kulan xalay ka qabsoomay Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa oo ay wada yeesheen Madaxweynaha, Golihiisa Wasiirrada, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa la sheegay in lagu gaadhay go’aan maanta ay Xukuumadda iyo Xisbigeedu ugu jilib-dhigayaan Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo ay Sabtida u ballansan yihiin sii ambaqaadka wadahadal Arbacadii u furmay oo lagu xallinayo Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ee Guurtidu Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada u sameeyeen.
Ma jiro war rasmi ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay kulanka xalay, hase-yeeshee, sida ay ila-wareedyo xog-ogaal u ahaa kulankaas u sheegeen Wargeyska Himilo, waxa kulanka oo ay isugu yimaaddeen Madaxweynaha, Golihiisa Wasiirrada, Madaxweyne Ku-xigeenka oo hoggaaminaya Xubnaha Shanta ka kooban ee wadahadalka Xukuumaddu Mucaaradka ugu baaqday ee furmay u metelay Xukuumadda iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, in lagu gaadhay inaan wax laga beddeli karaa jirin go’aanka Golaha Guurtida Somaliland lixdii bishan May ku ansixiyeen muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ee ay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada u sameeyeen inay xilka sii hayaan, maaddaama oo wakhtigoodu ku dhammaanayo 26-ka bisha May ee sannadkan 2015-ka.
Warku wuxu intaa ku daray in Shirkaa xalay Madaxtooyada ka dhacay ay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biix Cabdi, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee wadahadalka metelayay ay horkeeneen waxyaabaha ay ka wadahadleen Mucaaradka Shirkii ay Arbacadii ku wada-yeesheen Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Iyagoo la sheegay inay Shirkaas ka sheegeen in Mucaaradka ah ay isku afgarteen in la keeno Xal Siyaasi ah oo meesha lagaga saaro khilaafka muddo-kordhinta Guurtida ee Mucaaradku qaaddeceen ka taagan.
Hase-yeeshee, waxa warku intaas ku daray in markii Warbixinta Xubnaha wadahadalka u metelayey Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, laga dooday go’aanka Mucaaradka oo Sabtida maanta loo ballansan yahay kulanka labaad ee wadahadalka gogoshiisa Xukuumaddu dhigtay la iskula qaatay qodob ah inaan lagaba doodin oo ay Xukuumad ahaan go’aankaas Guurtida u arkaan mid aan gorgortan geli karin ee uu sidiisa Sharci ku yahay, maaddaama oo uu ka soo baxay Golihii Sharciga u lahaa muddo-kordhinta sida Dastuurku dhigayo, ahna Golaha ugu sarreeya Golayaasha dalka Somaliland.
Shirka wadahadalka oo Arbacadii u furmay labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo isku dhinac ah oo Warbaahintu dibedda ka joogtay intii wadahadalku u socday labada dhinac, ayaa la sheegay inay aad u adkaatay dooddoodu, ka dibna markii dambe la iskula qaatay in ay muhiim tahay in la helo xal Siyaasi ah, maaddaama oo dhinaca Mucaaradku ku doodayeen in muddada sannadka iyo tobanka bilood ah ee Guurtidu kordhisay xaaraan tahay oo lagu soo noqdo muddadii sannadka ahayd ee Guddiga doorashooyinka iyo Xisbiyadu isla qaateen inay doorashadu dib u dhacayso oo ay qaban karaan 1-da June 2016-ka, halka Muxaafidkuna ay ka taagnaayeen in go’aanka Guurtidu sharci yahay.
Haddaba, markii la isla qaatay in xal siyaasi ah la helaa inay tahay lagama maarmaan maaddaama oo waxa laga wadahadlayo ee khilaafka keenay yahay muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah, waxa kale oo la isla qaatay si la isugu soo dhawaado in la kala maqnaado Khamiista iyo Jimcaha oo dhinac waliba dib isugu noqdo, isla markaana Sabtida maanta la isugu soo noqdo wadahadalka ajandihiisa la isla qaatay.
Hase-yeeshee, go’aanka la sheegay in xalay la iskula qaatay ama lagu gaadhay Shirka Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ku dhex-maray Madaxtooyada, ayaa u muuqda mid aan xal ku soo kordhinayn wada-hadalka, maaddaama oo marka horeba labadii dhinac ee la kala taagnaa mid ka mid ah uu sii adkaynayo, iyaga oo Xukuumadda iyo Xisbigeedu ah kuwa laga doonayey in tanaasulka muddada la isku khilaafsan yahay dhankooda ka yimaaddo.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa kale oo weli su’aali ka taagan tahay is-aamminka Mucaaradka iyo Muxaafidka, maaddaama oo hore wax badan oo lagu heshiiyay loo tirinayo inay ka bexeen Madaxtooyada iyo Xisbigeeda KULMIYE, kuwaasoo ay ugu dambeeyeen heshiiskii qorshaha doorashada ee 1-da bisha June ee sannadka 2016-ka ee Guddiga doorashooyinka Qaranka saddexda Xisbi wada gaadheen oo ay sheegeen Mucaaradku in KULMIYE ka baxay.
Sidoo kale, waxa jira Is-fahamkii Xisbiyadda ee maalinta doorashada u rarayay 15-ka Novembar 2016-ka ee ay wada saxeexeen UCID iyo KULMIYE, halka WADDANI ka diiday sexeexa heshiiskaas, kaasoo markii dambena KULMIYE kaga baxay UCID oo waday in isu soo dhawayn iyo waqti macquul ah la helo, ka dib markii la sheegay in Guurtidu laba sano qalinka ku duugayso, kadibna KULMIYE waxa uu taageeray muddo-kordhinta Guurtida.
Dhinaca kale, Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa dareen-shaki oo ku aaddan go’aanka muddo-kordhinta ku tuhmaya inuu dan yahay Xisbul-xaakimka iyo Xisbiga Waddani oo labadoodaba ay Guddoomiye Cirro oo isaga muddo-xileedkiisa loo kordhiyey iyo Madaxweyne Siilaanyo oo loo kordhiyey muddo-xileedkiii uu shan sanno ka hor talada dalka ka fuulay Xisbiga uu guddoomiyaha u yahay Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisiga UCID Eng Faysla Cali Waraabe oo wejigii koowaad ee kulanka Xukuumadda iyo Mucaaradka dhexmaray Arbacadii markii uu soo idlaaday warbaahinta la hadlay, ayaa yidhi, “Haddaanu UCID nahay, labadan Xisbi ee kale waa loo kordhiyey oo labada nin eenu la fadhinnay waa loo kordhiyey oo daafacaya mowqifkoodii, xisbiga qudha een loo kordhin waa annaga, arrinta waa in sidaa loo kala gartaa. Sidaa awgeed, waxaanu garannay inaanu samayno sidii caadada inoo ahayn.”
Si kastaba ha ahaatee, haddii kulanka xukuumadda iyo Xisbiyaga mucaaradka is-af-garad meel dhexe laysugu yimaaddo la gaadhi waayo oo ay sidaas ku socotana waxa suurta-gal ah in Mucaaradkuna tooda ku adkaystaan, ka dibna ay Beesha caalamku faro-gelin siyaasadeed iyo xal dibedda laga keenay ku soo dhex-gasho arrinta, maaddaama oo Golaha Guurtida oo Marjaca loola noqdo khilaafaadka siyaasiga ah ee Somaliland ka bilaabma ahaa uu yahay ka gaadhay go’aanka khilaafkani ka taagan yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment