Tuesday, May 26, 2015

Dowladda Jabuuti oo Dib-u-Celisay Diyaarad gar-gaar u sidday Qaxoontiga Reer Yemen iyo Sababaha lala xidhiidhiyey

Djibouti, 26 May, 2015 (Himilo)- Dowladda Jabuuti ayaa u diiday dalkeeda inay soo caga dhigato diyaarad u rarneyd ururka Bisha Cas ee dalka Iiraan, taas oo siday 20 Tann oo raashin mucaawino loogu talagalay barakacayaasha ka yimi dalka Yemen ee Xeryaha Qaxoonti looga sameeyey duleedka magaalada Jabuuti.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Iiraan, diyaaradda gar-gaarka u sidday Qaxoontiga Yemen, ayaa dib loo celiyay, markii maamulka madaarka Jabuuti ay u diideen inay soo caga dhigato, waxaana diyaaradan ay hada ku sugan tahay magaalada Shabahar ee Koofur-bari Iiraan oo ay ku laabatay, iyadoo sugeysa ogolaansho mar kale ay ku caga dhigato garoonka Jabuuti.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Sacuudiga ay culeys ku saartay Jabuuti in aanay diyaaradaas soo caga dhigin, iyadoo ay jirto xurguf u dhaxeysa Sacuudiga iyo Iiraan oo ku aaddan arrinta Yemen.

Jimcihii ayay aheyd markii markab raashin gar gaar sida oo laga leeyahay Iiraan uu ku soo xidha Dekedda Jabuuti, waxaana dowladda Jabuuti ay gacanta u gelisay Markabkaas Hey’adda cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP.

Kumanaan qaxooti u dhashay dalka Yemen, ayaa muddooyinkii u dambeeyye ku soo qul-qulayay dalka Jabuuti, waxaana Qaramada Midoobey bilowday howlo dadkaas loogu gurmanayo iyo gar-gaar bani’aadanimo oo la gaadhsiinayo, iyadoo Jabuuti ay hirgelisay xerooyin dadkaas la dejinayo.

Jabuuti oo ka mid ah waddamada Jaamacada Carabta ayaa horay u taageeray howl galka Sacuudiga hoggaaminayo iyo duqeymaha xagga cirka ah ee isbahaysigu ku hayo Mucaaradka Xuutiyiinta oo qabsaday inta badan dalka Yemen.

Himilomedia

Hargeysa

 

No comments:

Post a Comment