Wednesday, May 20, 2015

Xukuumadda iyo WADDANI oo si kulul u beeniyey hadal ka soo yeedhay La-taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha Caalamiga ah

Hargeysa, 20 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa wax lala yaabo iyo been aan waxba ka jirin ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabbilsan dhinaca Hay’adaha caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed oo sheegay in saddex Hay’adood oo ku dhex-milmay Siyaasadda gudaha, isla markaana la hayo caddaymahooda iyagoo Xisbiyada Mucaaradka ah la shiraya Xukuumaddu tallaabo adag ka qaadayso oo ay dalka ka saari doonto.
maxamedWasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa arrintaas Hay’adaha tallaabada laga qaadayo ee La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan Hay’adaha caalamiga ah, waxaanu sheegay inaanay haba-yaraatee jirin wax Hay’ado ah oo dalka laga saarayo ama ay Xukuumad ahaan tallaabo ka qaadayso, isla markaana wada-shaqayn fiicani ka dhaxayso Hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga iyo Xukuumadda Somaliland. “Wax Hay’ado ah oo aannu erinay ma jiro, Hay’ado aannu immika wakhtigan xaadirka ah eryeynaana ma jiraan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo la hadlay shalay Star TV.
Hase-yeeshee, hadalkaas ka soo yeedhay La-taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha, waxa jawaab ka bixiyey Xoghayaha Saxaafadda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo si kulul uga hadlay hadalka La-taliyuhu ku sheegay inay Xisbiyada Mucaaradka ah la shiraan Hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Samo-falka ee aan arrimaha siyaasadda shaqada ku lahayn sida uu hadalka u dhigay La-taliyuhu.
“Waxaannu ka xunnahay mid ka hadlayey Kuwiat oo lahaa waxaan ahay; ‘La-taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha Samafalka’ iyo wax caynkaas ah’ isagoo og in Madaxweynihiisu inuu khudbad halbawle ah oo mahuraan ah oo weyn akhriyi doono munaasibadda 18 May darteed, ka hororsaday oo sheegay waxaanu Madaxweynuhu sheegin, oo Madaxweynuhu markuu Hay’adaha ka hadlayey wuxu sheegay in Somaliland ku caano-maashay wadahadal iyo hawleheeda oo ay maarayso.” Sidaa ayuu yidhi Boobe.
boobeXoghayaha Saxaafadda ee Xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Inuu ninkaasi (La-taliyaha Hay’adaha ee Madaxweynuhu) afka ku dhuftay saddex Hay’adood baa la saarayaa, tallaabo laga qaadayaa, weliba been cad oo aan geed loogu soo gabban sababaha lagu saarayo hay’adahaas oo ah Xisbiyada Mucaaradka ah bay la shiraan. Wax alla wixii Hay’adaha laga sheegayo Somaliland Hay’ado ayay u leedahay oo Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa jirta oo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa jirta.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment