Waxay ahaayeen dad bulshay ah oo hal-abuur wax u sheegta. Hal-abuur suugaan uun ku cuyuban muu ahayn. Wuxu ahaa mid qoto dheer oo ku dhereran hab-nolloleedkii iyo hanaankii maamul ee ay gaarka u lahaayeen. Marka xoolaha la maalo, inta ay ka foofayaan maqashaa mareegaha luqunta loogu xidhi jiray. Awrka rarayga ah iyo hayinka lagu guuro xoolaha lamay foofin jirin, sarmaanka iyo hareeriga ku yaala sabada guriga ayay ku yara hakadaan, dabadeedna maraaga duleedka beesha ku yaal ayay dheemaalka ka guran jireen. Qof kasta oo guriga jooga waxa u muuqda halka ay awrtu daaqayso. Nirgaha ka reebka ah ee aan weli socod baran iyo halaha dhalay ee ramadka ah, waxa iyagana il-qoodha ku rabi jiray haweenka iyo carruuraha guriga jooga.
Geella raggaa raaci jiray, adhigana dumarkaa raaci jiray. Marka la kala agaasimo xoolaha, maysin kastaana uu foofo, duqayda iyo wax-garadka degmadu waxay isugu iman jireen geedka oo ahaa bar-dhaqameed meeqaamkiisu sarreeyo oo war iyo wacaal ayaa lagu kala qaadan jiray. Kolka waayeelku doonyeesto, dooda iyo hawraarta waxay ku ibo-furi jireen qawlka eebbe, dabaddeedna aara-rasho, kaftan iyo awaalo waran murti iyo maadba leh. Inta kulanku oogan yahay way kala gar qaadan jireen garawshuhuna mid daahaba muu ahayn. Inkasta oo aan la duubayn oo kamarado aanay jirin, haddana waxa geedka lagaga hadlo ayaa guryaha caawa lagaga sheekaysan jiray oo haweenka iyo gabanku ku haasaawi jireen. Waxa laga soo warinayaa nin walbaa wuxuu ku hadlay oo mararka qaar maah-maah noqda, dhalinyartuna way tarmisaa oo hal-hays buu noqdaa. Cid kastaa way tartantay oo way kala dheeraysay, laba kastaa way legdantay oo way kala adkaadeen nin kastaa kaalinta uu mujtamaca kaga jiro waa la yaqaan, waa dad han weyn oo aan jeclayn wax lagaga gar helayo inay golaha keenaan. Nin kastaa hadalkiisu sumad hugur gaara ayuu leeyahay waa la yaqaanaa waxa ka suurooba, waxaa uu odhan karo iyo meesha uu tagi karo.
Meesha aan wanaag laga rabin waxa loo diraa mid garta yucub u celiya oo isna beesha kaalin ku leh. Had iyo goorna beeshu markay guddoonka saluugto ayay is margaagshe wakiilataa. Beeshu mar walba waa garyigil, waxayna diyaar u tahay inay geedka iyo golaha raggu joogo timaado, laakiin afhayeenada beeshu waa kuwo loo tababbaray wakhtiga adag. Markaa nin walba maalin ayaa lagu guuraa nin hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday, qofku wuxuu ku garami jiray maah-maahyo si ay xeerbeegtida iyo guurtidu ay ugu garaabaan. Suugaanta iyo aara-rashaduna waxay keentaa qofku wax aanu xaq u lahayn in loo xukumo wixii maalintaa la kala helo ayaa lagu gawracanyahay. qofna xaq uma leh in uu racfaan ka qaato maxkamad sare oo loo dacwoodaana ma jirto, dadkuna waxay ka war sugayaan dooda iyo sida ay u dhacayso iyo guddoonka xeerbeegtida mar haddii lagu dhawaaqo natiijada qofna xaq uma leh inuu ka hor yimaado. sidaa darteed waxay baran jireen hadalka si aan looga gar helin. Hadalba gam.
Ninka suldaanka ahi malaha ku xigeen iyo gole wasiir toona. Waxa uu leeyahay rag guurti ah oo uu la tashado, laakiin go’aanka kaligii baa leh cidina kama hor iman karto, lagulama xisaabtamo. Had iyo goor waa lagu urruraa hadalkiisana waa la maqlaa waxayna aaminsanyihiin cidii ka hortimaada inay eedayso oo waxay u arkaan inuu karaamo leeyahay, haddii uu cadhoodona beesha oo dhan baa la cadhoonaysa, hadii uu dagaal galo waydiin maayaan sababta dagaalka, waxaad moodaa bulsho heegan ku jirta oo sugaysa suldaankooda amarka uu bixiyo.
Gadh-cadaha, gadh-madoobaha, haweenka, gabanka, kuray xooga iyo carruurtuba, waxay ahaayeen dad mid kasta oo ka mid ahi nolosha door ku leeyahay, misana xilkiisa u guta si xil-kasnimo iyo masuuliyad durugsani ku dheehan tahay. Waxay ahaayeen dad illaahay yaqaan, laakiin aadame aan iyaga ahayn waxba u ogayn, waayo duul kaskooda iyo karaankooda gabraaran yaqaan ayay ahaayeen. Ferenjigu waa cay, saancadkuna waa liid. Waxaa muuqata inay ahaayeen dad aan weelasha gaalada wax ku cunin, jidhkooda aan taaban iyagoo lafahooda uga baqaya inay nijaasi ka soo gaadho ee aanay kibirba ka ahayn. Haddii si kale loo eegona xumaha way ka kibri jireen, gaalkana in uu hoos ka xigo oo xirfad iyo hannaan midna aanu dheerayn ayay u yaqiineen. Waxay ahaayeen runtii dad ku bannaanaa dihashadeena, innagu se tolow ma istaahilnaa dhigood. Akhristayaashay weydiintaasi ku gannan tahay.
Guurtida iyo sama-doonadu in kasta ay maalin walba ka shaqeeyaan danaha beesha haddana mushahar iyo guno toona may lahayn. Dadku way isku baadi celiyaan oo socotada iyo martidaa waa la soori jiray. Qoyskii aan wax ku filan haysana waa loo xoolo gooyaa, geela marka la maalayo caanaha wixii la kulma ee socoto ah iyo ragga geela hayaa isku si bay u dhami jireen. Qofka safraya lama haybsado illaa la sooro oo uu nasto, marka uu subixii reerka ka jarmaadayo ayaa ninka dadka ugu wayni bariido iyo ina ayaa tahay isu raacin jiray. Judhiibana wuu garan jiray haddaanu qof carrada dool ku yimi ahayn. Awaala waran iyo waxa jira ka dib ayuu uga waramaa sida dhulka loo yaal, daaqa iyo deegaanta iyo sida beeshu u taal roobabka iyo raxmadu sida ay tahay. dalsanka dhulka iyo xoolaha joogaa sida ay yihiin. Nin kastaana wakhti ku filan oo uu ku warramo ayaa la siin jiray. Ninka loo waramayaana wuu ka gurayaa si danayn iyo rabitaan leh. Ixtiraan badnaayeen.
Kolka ay kala war qaataan xeer-beegtida beeshu, odayga waayeelka ahi, ardaagii reerkiisa ayuu soo aadaa. Dhirta iyo kaymaha uu dhexmaraayo ayuu sii sahansadaa, wuxuu arkaa geed wayn oo mooye noqon lahaa, haddana wuxuu arkaa degsaar iyo hangool, dabadeedna gudintiisii uu degta ku sitay ayuu ula kala baxaa. Inta ay xoolaha iyo dadku guryaha ka maqan yihiin waxaa uu qorayaa xeedhooyin iyo fandhaalo, gurigana waxa uu yimaadaa isaga oo qalabka xoolaha lagu oodo iyo weel wax lagu cuno sida.
Haweenaydu inta ay xoolaha soo may-racayso, waa u maydhax diiris iyo caws ay harar ka samayso. Fiidkii waxa ay xoolaha soo hoysaa iyadoo xadhkihii awrta lagu dabri lahaa iyo aqalkiiba wada. Wiilashuna waxay baran jireen dagaalka iyo adkaysiga. Waxay ku tababbaran jireen nolosha adag, waxayna ahaayeen kuwo feejigan. Maankooda waxay ku hayn jireen, Dagaal gondahaaguu ka dhashaa, khayr wax kuma yeelee shar u toog hay. Qalabka dagaalka ninku wuu ku xaragoon jiray oo waa u qurux, marna dadka iyo bahalkuu isaga rabaa. Soomaalidii hore waxay ahaayeen dad xishooda wiilal iyo gabdho, dumarkaba hawbadnaadeene.
Qalabka guriga iyo weelasha in laga ganacsadaa may badnayn, maxaa yeelay qoyska soomaaliga ahi suuqa kuma xidhnayn iyagaa injineero iyo muhandisiinba ahaa. Guryohooda way dhisan jireen, dhiilohooda way samaysan jireen, xeedhyohoodana way qoran jireen. Dad isku filan oo, marti-soorka iyo deeqda ku tartama ayay ahaayeen.
Mar kasta cullimadu waxay ku lahaayeen dadka dhexdiisa qadarin iyo xurmo aanay cid kale lahayn. Beel kasta oo meel taal, waxaa la socotay cullimo diinta barta. Cullimadu waxay baajin jireen colaadaha. Waxay heshiis dhex dhigi jireen qabaa’ilka, waxayna ka talin jireen caaqibada iyo danta guud. Waxay samayn jireen siyaarooyin ay beelaha oo dhami ka qayb qaataan, ujeedaduna ahayd in illaahay loo mahad naqo, wanaagana la is faro xumaantana la iska reebo. Meeshuu doono ha ka yimaado ninka culimada ahi, qolada uu la joogo ayuu ka mid ahaa oo waxa loo hayay xurmo gaar ah. Si kale kuma garatide, waa la milgayn jiray, waayo dadka waxay u kala biniixin jireen xallaasha iyo xaaraanta.
Salaadiinta iyo guurtida beeshu waxay jeclaayeen fadhiyada culimada, waxayna arkayeen culimada la joogoodu inuu yahay nabaadiina-xidh. Culimada aynu ka waramaynaa waa kuwa kittaabka alleh xanbaaray ee waqti iyo nafba u huray sidii ay inoo soo gaadhsiin lahaayeen farriinta rabi. Waxay u ahaayeen nolosheena iftiin iyo nuur illaahay ina siiyay. Culimadu waxay u socon jireen barashada cilmiga, wax kasta oo ku soo gaadha illaahay bay ugu samri jireen, dadkana waxay u ahaayeen naxariis habeen iyo maalinba. Waxay lahaayeen akhlaaq la jeclaado oo mujtamaca ku yar, dhawrsooni cafis iyo dulqaad ayaa ka mid ahayd si kasta oo ay noloshoodu tahay marna basaasi kama muuqato, waxaad ka arkaysaa kalsooni iyo haybad, iyagaa dadka ugu sharaf badan cid walba tusaalay u yihiin waxayna dadka baraan cilmiga. Casharadu waa billaash shuruud iyo shillin toona laguma xidho qof raba illaahay in uu barto.
Magac iyo amaan toona kuma ay rabin waxa ay samaynayaan, illaahay hortii bay abaal aakhiro iyo adduunba ka sugayeen. Waxay ahaayeen culimo waxtar leh oo raxmad leh oo kooda baahan ama jiran iyo cid kasta oo bulshada ka mid ah ka war haya oo aan ku foognayn tooda uun.
Waxay ahaayeen kuwo ka saahiday adduunka, oo u go‘ay illaahay diintiisa iyo inay bulshada u adeegaan. Waxay soo guran jireen caday iyo xaabo wixii ay ka helaana way sadaqayn jireen. Waxay ahaayeen kuwo ku sifoobay xadiiskii Nabiga NNKH ‘’kun fi dunyaa ka anaka qariib ow caabiri sabiil’’. Waxay ahaayeen kuwo u hillooba illaahay la kulankiisa waa dad aanay adduunyo u muuqan. Waa culimadii soomaalida iyo awliyadii geeska afrika, waa kuwii tufka iyo karaamadaba lahaa, waa kuwii ina baray ‘’Alif la kordhebay, alif la hoos dhabay, Alif laagooday’’. Waa culimadii aynu ka dhaxalnay manhajka, tafsiirka iyo axkaamta qur’aanka kariimka, illaahay haka abaal mariyee waa culimo mudnaa in lagu daro taariikhda iyo manhajka waxbarashada dalka.
Soomalidii hore waxay ahaayeen dad qabatimay nolosha adag waxaana macalin u ahaa wakhtiga, dawlad kuma ay tiirsanayn, hay’adna kuma xidhnayn. wax walba waxbay u lahaayeen, waxaa dhex mara way ka heshiin jireen. Culimadu waxay ahayd hay’ada ugu saraysa garsoorka, arrin kasta markay iba-furaan ayay ansax noqon jirtay. Xeer-beegtida oo ah xeer dejiyayaasha, waxa loola tagi jiray wixii la saari waayo. Khasab may ahayn guurtida beeshu inay diinta taqaan, laakiin inay culimada ku xidhnaadaan ayaa waajib ahayd. waxa ay yaqaaneen xilliga oo mihiim u ahaa dadka reer guuraaga ah. Waxayna barteen cilmiga juquraafiga ee barashada dhulka. Waxay lahaayeen aftahanimo luuqada soomaaliga ah. Waxay wax ka yaqaaneen xiddigaha iyo xiddigiska (astrology) oo ay siyaalo kala duwan uga faa’iidaysan jireen.
Ugu danbayntii, nolol la mahadiyay uun dheh. Waa xayaatadii inta aynu ka isiranahay ee xiniin iyo xaynba leh Nabada iyo Caanaha ku hantiyeen. Waa noloshii dadkii ku noolaa saw-racoodu ahaa deeqsinimada, dhiiranaanta iyo geesinimada. Waa humaaga iyo sooyaalka la innaga rabo in aynu masxafyo iyo carwooyin lagu muuneeyo u balaysino, si dhalaanka tagoogteena ku jiraa uga dheehdaan noloshii nayaayirada miidhan ahayd ee awoowyadood ku naaloon jireen. Maba ay fogayn ee inta laga joogo curashada dawladnimadda soomaalida horteed yar uun bay ahayd. Haaheey, aabbahay eebbe wuu ku simay. Noloshaasi door-roonaydee.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment